Shirweyne ka Dhacay Bristol oo lagaga Hadlay ka Hortaga Arrimaha Argagixisada iyo Xagjirnimada ee Dhalinyarada + SAWIRRO

0
897
Bristol  (HargeisaPress) — Shirweyne aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal ka tirsan Jaaliyada ku nool Magaalada Bristol, Madax Sare oo ka socatay Laamaha kala duwan ee Amaanka iyo Boliska UK, Siyaasiyiin, Culimaaudiin , wax garad iyo Aqoonyahan kala duwan oo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Bristol, shirkan oo uu soo diyaariyay  Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed  oo kaashanaya Ururka guud ee Jaaliyada Bristol Somali Forum ayaa waxaa aad loogu lafoguray Arrimaha Dhalinyarada Soomaalida ah ee u socdaasha Dalalka ay Colaaduhu Halakeeyeen ee Suuriya iyo Ciraaq, waxaana laga wada hadlay sida ugu habon ee Dhalinyaradaas looga Baajin karo inay ku biiraan Kooxaha ka dagaalama Dalalkaas.
Bristol 22
Shirkan oo Masuuliyiin kala duwani ay ka hadleen waxaa la isla gartay in Bulshada la wacyi geliyo, laguna dedaalo sidii Dhalinyarada loo fahamsiin lahaa Diinta Islaamka ee saxda ah, waxaana laga codsaday Waalidiinta ay carruurtoodu u nugushahay in la duufsado inay la xidhiidhaan Madaxda Jaaliyada, Culimada, iyo Dawlada si looga joojiyo  halaaga ay ku socdaan.
Bristol 45
Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa tilmaamay in Shirkani uu yahay mid Bulsho oo aan wax siyaasad ah khusayn, loona baahan yahay in Mujtamaca Muslimiinta ah iyo Soomaalida Dalkan UK ku nool looga baahan yahay inay iska kaashadaan, si loo soo looga hortago Dahlinyaradeena ku qulqulaysa Wadamada Colaaduhu ay ka socdaan.
 Bristol 76
Gudoomiyaha Ururka Somal Forum, iyo Madaxdii ka socotay ee Boliska iyo Xukuumada UK ayaa iyaguna sheegay inay taageero kasta la barbar taagan yihiin Dhalinyarada, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Cagaweyne oo isna madasha ka hadlay ayaa  Jaaliyada ku waaniyay inay gacmaha is qabsadaan oo ay u midoobaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen Mushilkadaha soo food saara iyaga oo middaysan.
Bristol 5434
Ismaaciil Cali Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here