Shirweynaha Siyaasadda Caafimaadka Somaliland oo la soo gaba-gabeeyay

0
959

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Marwo Samsam Maxamed Saalax iyo Agaasimaha guud Dr.Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta si wada jir ah u soo gunaanaday shirweynaha dib u eegista iyo dib u habaynta siyaasadda caafimaadka qaranka.

Shirweynahan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasime waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda, madax Qaybeedyada, Hay,addaha caalamiga ah, qaar ka mid ah komishanada heer qaran, Masuuliyiin ka socota cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo ururrada bulshada.

Masuuliyiinta iyo madaxda, ayaa dood dheer ka yeeshay dib u habaynta siyaasadda Caafimaadka qaranka gaar ahaan arrimaha la xidhiidha tayada dawada, caymiska caafimaadka, qaabdhismeedka caafimaadka dalka, xidhiidhada wasaaradda iyo hay’addaha, Cisbitaalada gaarka loo leeyahay, kobcinta shaqaalaha iyo tayada xogta caafimaadka.

Madaxda ugu saraysa Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa ugu dambayn kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta in la hirgaliyo qodobada dib u habaynta siyaasadda Caafimaadka iyagoo sidoo kale ugu mahadnaqay ka qaybqaadashadooda shirweynahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here