Shirkii Kulmiye Oo Lagu Doortay Musharaxa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha

0
751

Burco (HP): Waxaa maanta soo xidhmay shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, ee talladda Somaliland haya oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Burco.


 

Waxaana shirkaasi gebagabadiisa lagu doortay murashaxa jagadda madaxweyne-nimo ee shanta sanaddood ee soo socda, madaxweyne ku-xigeenka, guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyo sidoo kale guddoomiyaha xisbiga.

 

Sidoo kale intii uu socday shirkaasi wax ka beddel lagu sameeyey qodobka Xeerka xisbiga ee ku saabsan hannaanka doorashada XOGHAYAHA guud ee xisbiga oo laga dhigay doorasho toos ah, halka markii hore uu la ahaa magacaabis.

 

Shirkaasi ayaa ergadii golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxay u doorteen musharraxa madaxweynaha xisbiga madaxweynaha hadda xilka Somaliland haya Muuse Biixi Cabdi, halka musharraxa jagada madaxweyne ku-xigeenka loo doortay Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ahna wasiirka wasaaradda Ganacsiga xukuumadda hadda talada haysa.

Sidoo kale xilka guddoomiye ku-xigeenka ayaa loo doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo helay 168 ergay codkood, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Aaden Cilmi (Ilkacase), uu isna helay 55 cod, waxaana ka aamusay 27 xubnood.

 

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa isla shirka ka shaaciyey inuu iska casilay jagadda guddoomiyaha xisbiga, iyadoo na jagadaasi loo doortay Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, oo isla shirkaasi kula wareegay xilka guddoomiye-nimo.

 

Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMYE, ee shirka fadhiyay ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in Maxamed Kaahin Axmed, uu noqdo guddoomiyaha cusub ee xisbiga Kulmiye, halka ay sidoo kalena murashaxa jagadda madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, isna cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen.

Maxamed Kaahin Axmed, oo loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, oo doorashadiisa kadib halkaa khudbad ka jeediyay ayaa u mahad celiyay xubnihii doortay, iyo kuwii aan u codaynin ba.

Waxaanu sheegay Maxamed Kaahin, in xisbiyada iyo ururada siyaasiga ah aanay jirin cid cid kale qadaadka haysa oo doorasho ku khasbaysa, sidaa darteed na loo diyaar garoobayo doorashada ugu soo horaysa ururada iyo xisbiyada.

DAAWO: Khudbadii Maxamed Kaahin Uu Shirkaa ka Jeediyay:


 

Geesta kale C/casiis Maxamed Samaale, oo kadib markii la doortay halkaa ka hadlay ayaa u mahad celiyay xubnihii ergadda golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, doorashadda ay u doorteen guuddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye.

DAAWO: Hadalkii C/casiis Maxamed Samaale ee shirka:

 https://youtu.be/ba10Cwn6iYk?si=oHZi5aXOuXR2tkBQ

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), oo u tartamayay jagadda guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, isagoona u hanbalyeeyay musharaxii uu la tartamayay eek a guulaystay C/casiis Maxamed Samaale.


HALKAN KA DAAWO SIDAY U DHACDAY DOORASHADII HOGAANKA XISBIGA KULMIYE:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here