DAAWO: Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

0
759

Burco (HP): Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa amaan aad u weyn huwiyay guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay xisbiga taladda haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Madaxweyne Biixi, oo khudbad ka jeediyay shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, ee talladda Somaliland haya oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Burco, oo maanta la soo gebagabeeyay ayaa ka sheekeeyay taariikhda mugga weyn ee Maxamed Kaahin.

Waxaanu ku tilmaamay in Maxamed Kaahin, uu yahay nin muddo dheer soo shaqeeyay, isla markaana uu ku haboon yahay in maanta loo doorto guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

 

Geesta kale Muuse Biixi, ayaa ka mahad sheegtay xisbiga Kulmiye mudadii uu ka soo tirsanaa oo uu sheegay in aanay gudaha xisbiga wax dhibaato ahi kaga iman intii mudadii uu ku jiray, isagoo na arrintaasi ku amaanay xisbiga.

DAAWO: Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee Shirkii Maanta Ee Burco:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here