Hargaysa: Dad Ku Dhaawacmay Guryo Cooshado ah Oo Dab Qabsaday

0
485

Hargaysa (HP): Ciidamada Dab-damiska ayaa gurmad u fidiyay guryo dab qabsaday oo ku yaala xaafada Xero-Ruushta ee degmada 31-ka May, ee caasimadda Hargaysa.

Waxaana Dabkaasi la sheegay inuu ku dhaawacmay hal qof, inkastoo khasaare hantiyeed ee sababay dabkaasi.


Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa maanta gurmad samata-bixina u sameeyay 9 guri oo ku yaala Xaafada Xero Ruushta ee degmada 31-ka may, waxaanay ku guulaystay xakamaynta dabkaasi kana badbaadiyay Guryihii kale.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa sheegay inay badbaadiyeen ku dhawaad 50 Sandaqadood oo goobtaas ku yaalay.

Taliyaha ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargeliyay inay banneeyaan waddooyinka, isla markaana cidhiidhiga ka daayaan goobaha hawlgaladu ka socdaan.

Sidoo kale ciidanka Dab-demisku waxa ay sheegeen in Xilliyadan lagu jiro xagaaga ay aad u badan tahay halista dabka, gaar ahaan korontada.

Waxaanay bulshada ka codsadeen inay ka taxadiraan markasta khatarta dabka oo ah mid marstaba joogta.

Dab-demiska ayaa bulshada ku wargeliyeen haddii ay la kulmaan masiibo dab inay soo wac lambarka gurmadka deg dega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel 24 ka saac.

DAAWO: Ciidanka Dabdemiska Hargeysa oo damiyay dab qabsaday 9 Guri:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here