Hargeysa,(HargeisaPress) — Shirkadda AL- Xayaat Furniture oo ka mida ah shirkadaha ugu caansan Somaliland, isla markaana keenta Aagabka Guryaha, Xafiisyada , Go’gosha, Hurdada, iyo gebi ahaanba waxyaabaha loo isticmaalo Hoyga ayaa Carwada Ganacsiga Hargeysa ku soo Bandhigtay fursado qiime-dhimis ah oo la xidhiidha adeegyada qalabka ay iibiso.
Shirkadda AL- Xayaat Furniture alaabooyinka kala duwan ee Guryaha,xafiisyada iyo qurxinta meherada ganacsiga ayaa soo bandhigay alaabooyin casri ah oo kala duwan waxaanay Shirkadu alaabadaasi ku soo bandhigtay Carwada Ganacasiga ee Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.
Shirkadda AL- Xayaat Furniture waxay dadaweynaha reer Somaliland u diyaariyey alaab jaban oo ku raali galinaysa isla markaana ah noocyadii igu dambeeyey ee laga keenay waddamo badan oo caalamka ka mida.
Dadweynaha soo booqanaya goobta ay carwadu ka socoto ee Maansoor ayaa si gaar ah u soo dhoweeyay qiime-dhimista ballaadhan ee shirkadda Shirkadda AL- Xayaat Furniture Samaysay.
Haddaba Maamulka Shirkadda AL- Xayaat Furniture waxa uu dadweynaha u ballanqaadday inay sidii ay horeba uga barteen ay mar walba ka heli doonaan qalab cusub oo casri ah, isla markaana tayo leh, iyagoo ahmiyada siinaya sidii ay u raaligelin lahaayeen macaamiisha shirkadda.
Si kastaba ha ahaatee Shirkadda AL- Xayaat Furniture waxa uu ku leeyahay kaalay oo ka faa’idayso maalmaha yar ee jaaniska carwadaasi socoto inta aanay fursaddaasi kaadhicin.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa