Shirkadda AL- Xayaat Furniture Oo Alaabooyinkii ugu Dambeeyey ku soo Bandhigay Carwada Ganacsiga Hargeysa iyo Qiima Dhimis + DAAWO SAWIRRO

0
3133

DSC02583Hargeysa,(HargeisaPress) — Shirkadda AL- Xayaat Furniture oo ka mida ah shirkadaha ugu caansan Somaliland, isla markaana keenta Aagabka Guryaha, Xafiisyada , Go’gosha, Hurdada, iyo gebi ahaanba  waxyaabaha loo isticmaalo Hoyga ayaa  Carwada Ganacsiga Hargeysa ku soo Bandhigtay fursado qiime-dhimis ah oo la xidhiidha adeegyada qalabka ay iibiso.

Shirkadda AL- Xayaat Furniture alaabooyinka kala duwan ee Guryaha,xafiisyada iyo qurxinta meherada ganacsiga ayaa soo bandhigay alaabooyin casri ah oo kala duwan waxaanay Shirkadu alaabadaasi ku soo bandhigtay Carwada Ganacasiga ee Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

DSC02587

Shirkadda AL- Xayaat Furniture waxay dadaweynaha reer Somaliland u diyaariyey alaab jaban oo ku raali galinaysa isla markaana ah noocyadii igu dambeeyey ee laga keenay waddamo badan oo caalamka ka mida.

 

Dadweynaha soo booqanaya goobta ay carwadu ka socoto ee Maansoor ayaa si gaar ah u soo dhoweeyay qiime-dhimista ballaadhan ee shirkadda Shirkadda AL- Xayaat Furniture Samaysay.

DSC02595

Haddaba Maamulka Shirkadda AL- Xayaat Furniture waxa uu dadweynaha u ballanqaadday inay sidii ay horeba uga barteen ay mar walba ka heli doonaan qalab cusub oo casri ah, isla markaana tayo leh, iyagoo ahmiyada siinaya sidii ay u raaligelin lahaayeen macaamiisha shirkadda.

 

Mulkiilaha Al- Xayaat
Mulkiilaha Al- Xayaat

Si kastaba ha ahaatee Shirkadda AL- Xayaat Furniture waxa uu ku leeyahay kaalay oo ka faa’idayso maalmaha yar ee jaaniska carwadaasi socoto inta aanay fursaddaasi kaadhicin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here