Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo ka hadlay Toogashadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Jabuuti

0
976

Madaxweyne GeeleJabuuti,(HargeisaPress) — Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaadhay toogashadii shalay gudaha garoonka diyaaradaha Jabuuti ka dhacday madaxweynaha dalkaas, Ismaciil Cumar Geelle.

Rasaastan oo uu furay mid ka mid ah ciidamada Jamhuuriga ah ee Jabuuti ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux sida uu sheegay wasiirka oo ay ku jiraan sarkaal ilaalada Geelle ka tirsan iyo dhakhtarkiisa gaarka ahaa madaxweynaha Jabuuti.

Geelle ayaa xiliga toogashoadu dhacaysay ku sugnaa garoonka isagoo kasoo laabtay shirkii IGAD oo uu kaga qayb-galay dalka Itoobiya, mana jirto weli wax warar ah oo ku saabsan askariga toogashada geystay iyo sababta uu rasaasta ula beegsaday xilligaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa u sheegay warbaahinta in askariga rasaasta furay la xidhay, baadhitaana lagu hayo sababihii keenay in uu rasaas uu ku furo garoonka xilli uu ka dagayay madaxweyne Geelle.

“Askarigu wuxuu dhaawacay mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Geelle iyo dhakhtarkiisa, kaasoo wafdiga ka mid ahaa…. askarigu wuxuu dhakhatarka toogtay saddex jeer, waxayna kaga dhacday rasaastu laabta iyo madaxa, dhaawiciisuna wuu wanaagsan yahay,” ayuu yidhii Yuusuf.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dhaawacyada labada qof ee kale lagu daweynayo isbitaalka weyn ee Jabuuti. isagoo xusay inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan cidda ka dambeysa toogashada uu geystay askarigan iyo ujeeddada laga lahaa

“Weli ma ogaan in weerarkan uu yahay mid ay ku lug leeyihiin Al-shabaab iyo Al-Qaacida iyo in kale, balse baadhitaankii shilka ayaa weli lagu jiraa,” ayuu Yuusuf hadalkiisa ku daray isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Dhakhtaarka madaxweynaha iyo sarkaalka ilaaladiisa ka tirsan ee uu soo gaadha dhaawaca lama shaacin magacyadooda, iyadoo sidoo kalena aysan toogashadan ka hadlin xisbiyada mucaaradka ah ee Jabuuti.

Dhacdadan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Jabuuti, iyadoo aanay jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY