Shirkad Caalami Ah oo Somaliland Ka Dhiseysa Wershadda Saliidda Cuntada

0
996

Dubia (Hargeisa Press) – Shirkadda IFFCO, ayaa la sheegay inay Somaliland dhisayso wershad soo saaraysa saliidda cuntada, iyadoo dhismaha wershadda laga hirgelinayo Aagga Dhaqaalaha ee Berbera (Berbera Economic Zone).

IFFCO oo ah shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ku caan ah Ka-ganacsiga badeecadaha kala duwan ee cuntada, ayaa la sheegay inay shirkadda DP World la  saxeexatay heshiis kiro iyo wada shaqayn ah.

Shirkadda IFFCO oo dhismaha wejiga koowaad bilaabi doonta sannadka dambe 2023, ayaa la sheegay in marka la dhameeyo ay shaqo ka heli doonaan boqolaal muwaadiniinta Somaliland ah.

Heshiiskan, ayaa waxaa magaalada Dubai ku wada saxeexday Suhail Albanna oo ah maamulaha shirkadda DP World, Bariga Dhexe & Afrika, iyo madaxa fulinta ee shirkada IFFCO, Rizwan Ahmed.

DP World waxa ay horumarinaysaa Aagga Ganacsiga xorta ah ee Berbera, ka dib markii ay maal-gelin ku samaysay Dekedda Berbera si ay u abuurto xarun isku xidhan oo badda, saadka iyo warshadaynta ah si ay ugu adeegto Geeska Afrika oo ah gobol firfircoon, mar walbana isbeddelaya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Warka ku saabsan maalgeshiga shirkaddani ku samaynayso Aagga Dhaqaalaha ee Berbera oo aanu ka soo xigannay Wargeyska Khaleej Times, waxa si faahfaahsan uga hadlay masuuliyiin ka kala tirsan shirkadaha DP World iyo IFFCO.

Maamulaha iyo Agaasimaha Guud ee DP World ee Bariga Dhexe & Afrika Suhail Albanna oo heshiiska ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Aagga Dhaqaalaha Berbera ku soo dhawayno shirkad weyn oo caalami ah sida IFFCO. Go’aanka IFFCO ee ah in la sameeyo wershad waa codka kalsoonida ee aagga iyo marag u furka wax-soo-saarkayaga. Waxa kale oo ay aaggani saamayn togan ku yeelan doontaa dhaqaalaha gudaha iyo gobolkaba iyada oo shaqo abuur loo samaynayo, isla-markaana ay Somaliland soo jiidan doonto maalgashi shisheeye oo toos ah”.

Agaasimaha iyo xubinta guddiga kormeerka ee IFFCO Shiraz Allana oo dhankiisa, ka hadlay heshiiska ayaa yidhi, “IFFCO waxay sii waddaa inay maalgeliso mustaqbalka cuntada iyo silsiladaha sahayda adduunka. Waxaan hadda ka shaqeynaa 95 xarumood, oo ay ku jiraan dhowr tasiilaad wax soo saar oo deked ku saleysan oo adduunka oo dhan ah.”

“Iskaashigan aan la leenahay DP World wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay istiraatijiyadda haqab-beelka cuntada ee Imaaraadka & fududaynta ganacsiga cuntada adduunka,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Shirkadd IFFCO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here