“Aniga oo ganacsade ah ayaa dirayska u xidhay in aan berri Oog taggo…”

0
235

Gabiley (HP): Ganacsade Maxamed C/laahi Bookh, ahna siyaasi ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa ku baaqay in ciidamadda qaranka JSL la garab istaago.

Waxaanu balan qaaday inuu diyaar u yahay in isaga laftiisu uu dirayska ciidanka qaado, isla markaana uu taggo furinta ciidanka ee Oog.

Maxamed C/laahi Bookh, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Gabiley, ayaa guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay in la garab istaago ciidamadda qaranka.

Sidoo kale ganacsade Bookh, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Muuae Biixi Cabdi, inuu dalka xaalad deg deg ah geliyo, isla markaana xarunta madaxtooyadda u rarro deegaanka Oog.

DAAWO: Hadalka Ganacsade Bookh:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here