Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE oo Beri Ka Furmaya Hargeysa

0
1496
Xisbiga KULMIYE

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa maalinta berito oo Arbaco ah caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu wadaa inuu ka furmo Shirweynihii 7-aad ee golaha dhexe ee Xisbi xaakimka talada dalka haya ee Kulmiye.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in shirwaynihii afraad ee xisbiga Kulmiye ay ka soo baxaday in muddo bil gudaheed ah uu ku qabsoomo shirawaynaha golaha dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxaa uu sheegay in shirkan aanay ka soo qayb gelaynin wax ergooyina balse loo bahanyahay xubnaha golaha dhexe oo kaliya kuwaas oo ku soo baxay liiskii golaha dhexe ee laga soo saaray shirwaynihii afraad ee xisbiga dhowaan uga qabsoomay magaaladda Hargeysa.

Xubnaha golaha dhexe ayaa guddoomiyuhu ku wargeliyay in ciddii aan qaadan kaadhka ay kaga qayb gelayaan shirka ay u soo doontaan xarunta dhexe ee Xisbiga oo ay kaadh qaadashadu ka socon doonto ilaa iyo caawa.

LEAVE A REPLY