badhasaabka Sool Oo Sagootiyay Xulka Gobolkaasi Ku Metelaya Tartanka Ciyaaraha

0
721

Laascaanood (Hargeisa Press): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa maanta soo sagootiyay xulka gobolkaasi uga qayb geli doona tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland oo maanta ka furmaya garoonka Hargaysa stadium ee magaaladda Hargaysa.

Ciyaartooyga xulka gobolka Sool ee maanta la soo amba-biyay ayaa isugu jira kooxda Kubbada cagta iyo Orrodadda ee gobolkaasi ku meteli doona tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland.

Kulanka sagootinta ciyaartooyga gobolka Sool oo maanta lagu qabtay garoonka Kubbada cagta Cabdi Bille Cabdi, ee magaaladda Laascaanood waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka Sool, isuduwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolkaasi, xildhibano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood, ganacsato iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa hadallo isugu jiray dhiiri gelin, dar-daaran waano u jeediyay ciyaartooyga. Isagoona u rejeeyay in ay guul ka keeni doonaan tartankaasi.

Waxaanu ku booriyay ciyaartooyga in ay muujiyaan akhlaad wanaag iyo kalsooni, taasoo sabab u noqon karta in ay guulaystaan.

C/qani Jiidhe, ayaa u balan qaaday haddii ay xulka gobolka Sool koobka ku soo guulaystaan in uu baabuur Bas ah oo ciyaartooyga u gaar ah u iibin doono.

Sidoo kale Isuduwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool Maxamuud Aadan Askar, ayaa tilmaamay in ay rejo fiican ka qabaan in ay koobka goboladda Somaliland ku guulaystaan.

Dhinaca kale guddoomiyaha shirkadda socdaalka baabuurta Sacaadda ee gobolka Sool oo isna halkaas ka hadlay ayaa balan qaaday in haddii ay guul ka soo hooyaan tartankaasi ay abaal-marinno siin doonaan xulka Sool.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here