Wasiirka warfaafinta JSL oo Shir la yeeshay Shaqaalaha Weynaha Wasaaradaas + SAWIRRO

0
607

Hrgeysa (HargeisaPress)-Wasiirku waxa uu kulanaas warbixino ku saabsan hawlaha shaqo ee wasaaraddaasi bulshada u hayso ka dhagaystay madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradaas, waxaana kulankaas ku wehelinaayay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali.

Qaar ka mida masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta ayaa wasiirka uga warbixiyay halka ay hadda marayso wasaaraddu, waxyaabaha ka dhiman iyo qorsheyaasha u baahan in wasaaradaasi u baahan tahay inay ku talaabsato mustaqbalka dhaw.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu wasaaradda warfaafinta ku dhaqi doono shuruucda u taala shaqaalaha dawladda, gacana ka gaysan doono taageerida shaqaalaha jilicsan ee wasaaradda ka hawl gala.

Ugu dambayn Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan kulanada noocan oo kale ah ee ay isku xog-waraysanayaan masuuliyiinta wasaaradda iyo shaqaalaha ka hawl-gala wasaaradda.

DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY