Shir Nabadeed Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Gobolka Sool Uga Bilaabmay Laba Beelood oo Colaadi Dhexmartay

0
1629

Adhi-cadeeye (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ka furmay shir nabadeed lagu heshiisiinayo laba beelood oo ay colaadi dhexmartay.

Goobta shirku ka dhacay ayaa amaankeeda aad loo sugay iyadoo ciidamada Milateriga iyo Booliiska Somaliland ay qayb ka qaadanayeen, taas oo loo aanaynayo xiisad colaadeed oo degaankaasi ka dhacday.

Ka sokow labada ergo ee xiisada colaadeed ka dhexayso waxaa maanta munaasibada wadahadalada ka soo qayb galay masuuliyiin ka socota xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Dibeda, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha Ciidanka Badda, masuuliyiin heer gobol iyo degmo, culimo, aqoonyahan, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasibada furitaanka oo dadkii ka hadlay ay u badnaayeen ujeedadoodu dardaaran walow ay jireen qaar hadalo adag u soo jeediyey labada dhinac.

Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland ka socda ayaa balan qaaday in ay wixii go’aan ah ee ay soo saaraan fulinteeda ay iyagu masuul ka yihiin, gudiyadana looga baahan yahay in ay go’aan bulshada dan u ah ka soo saaraan shirka.

Colaada dhowaan ka dhacday degaanada Jidbaale iyo Boocda ayaa waxaa daba yaal xalinta dhacdooyin qaarkood 30 sano ku dhow yihiin.

Si kastaba ha ahaatee xal ka gaadhista colaada labadan beelood ayaa waxay saamayn ku yeelanayaan degaano badan oo ku baahsan illaa sadex gobol oo labadan beelood ay wada degeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here