Ciidamada Amniga Ee Gobolka Awdal oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Wasaarada Maaliyada

0
1450

Boorama (Hargeisa Press)- Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Awdal Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, war ka soo saaray weerarkii lagu qaaday xarunta wasaarada Maaliyada.

Taliya ayaa sidoo kale ka waramay xaalada magaalada, wuxuuna sheegay in guud ahaan xaaladda nabadgalyo ee gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay, gaar ahaan xaaladda nabadgalyo ee xarunta gobolka Awdal ee Boorama, isaga oo taliyuhu intaas ku daray in falkii lagu weeraray xarunta wasaaradda maaliyaddu uu ahaa  fal wixishnimo ah, wuxuuna sheegay in ciidanka amnigu si deg-deg ah uga hawl galeen goobtaasna ku gaadheen wakhti aad u kooban.

Taliyaha qaybta ee ciidanka Booliska gobolka Awdal waxa uu cadeeyey in aanay jirin cid wax dhibaato ahi ka soo gaadhay falkaas, wuxuuna xusay in ay xogwanaagsan ka hayaan ciddii falkaas ka dambaysay isla markaana ay ku dabo jiraan, isaga oo intaas ku daray in ay sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo falkaas gacan ku lahayd.

Geesta kale, taliyaha qaybta ee ciidanka Booliska gobolka Awdal Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, waxa uu ganafka ku dhuftay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo been abuur ah oo maalmihii u dambeeyey ay hadal haysay bulshada ku nool magaalada Boorama, oo sheegayey in la iibiyey xabsiga dhexe ee Boorama, oo uu taliyuhu tilmaamay in bulshada lagu kicinayey si nabadgalyada khalkhal loogu abuuro.

LEAVE A REPLY