Wasiirka Caafimaadka oo Kulan La Yeeshay Guddida Xaaladaha Deg-dega Ah

0
960

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/laahi ayaa kulan la yeeshay guddida xaaladaha deg-dega ah ee wasaaraddaasi.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa sheegay in shirkaasi yahay mid qiimayn iyo dib u eegis lagu samaynaayo waxyaabihii u qabsoomay guddida mudadii lagu guda jiray la dagaalanka cudurka faafa ee Coronavirus, waxaa uu wasiirku sheegay in ay si midaysan uga hawl galeen xannuunka islamarkaana qorshe lagula dagaalamo ay samayn doonaan hadii uu sii socdo.

Waxaa uu wasiirku xusay in wali xannuunku ku jiro dalka oo loo baahan yahay in bulshadu ay ilaaliyaan caafimaadkooda taxadar dheeraad ahna muujiyaan, isaga oo tilmaamay in ay dib habayn xoogan lagu samayn doono shaqaalaha caafimaadka si ay ula dagaalamaan cudurka, isla markaana wuxuu soo jeediyey in miisaaniyadda qaranka lagu daro qoshe ku talagal ah oo lagu xakameynayo xannuunkaas mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here