Shil Baabuur Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa+KHasaaraha Ka Dashay Iyo Magacyada Dadka Ku Dhintay + SAWIRRO

0
1169

Hargeysa(HargeisaPress) —Ugu Yaraan Saddex qof ayaa ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa gaar ahaana Haleeya oo ah duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Shilkan baabuur ayaa ah isku dhaca laba baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah kuwaasi oo kala ahaa gawaadhida loo kala yaqaano Waaraad (Caydho-madle)  iyo sidoo kale Booyad biyo ka keentay deeganka Awr-barkhadle.

Shilkan baabuur oo ahaa mid naxdin badan ayaa naloo sheegay inay ku dhinteen saddex qof oo saarnaa gaadhiga booyada ah sida ay noo sheegay Goobjoogayaal ku sugan Kaantaroolka Haleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa oo ah halka uu ka dhacay shilku,sidoo kalena waxa ku dhaawacmay shilkaasi baabuur laab ruux oo kale.

Magacyada dadka ku dhintay shilkaasi Baabuur oo HargeisaPress loo xaqiijiyey ayaa waxay kala ahaayeen sida tan Maxamed Siddiiq Cabdilaahi Diiriye , Ina Xariir Nuur, Ina Guray Aw Muuse.

Ciidamada Nabadgaliyada wadooyinka Somaliland oo uu hogaaminayo taliyaha ciidamada Nabadgaliyada wadooyinka ahna afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland ayaa gaadhay markiiba goobta shilku ka dhacay ,waxaana uu taliyuhu sheegay in shilkani yahay kii ugu horeeyay ee Noociisa ah Somaliland ka dhaca.

Maydadka iyo dhaawacyada dadkan ayaa loo soo qaaday cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Shilalka Gaadiidka ayaa kusoo noqnoqda deegaanada Somaliland iyadoo muddo 12 maalmood ka horna shil noocan oo kale ahna ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee Kaantaroolka Galbeed.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here