Madaxwayne ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Daahfuray Qaadashada Kaadhadhka Codbixinta Ee Gobolka Maroodi-jeex. + SAWIRRO

0
1506

Hargeysa (HargeisaPress) —Madaxwayneku-xigeenka ahna kusimaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay furitaanka kaadh qaadashada codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex .

Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo uu hadalo kooban ka jeediyay guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranku waxaa uu sheegay in maalinta sabtida ah ay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ay ka bilaabmi doonto qaadashada kaadhka codbixinta doorashada dhacaysa bisha Novembar ee sanadkan.

Saraakiisha ugu saraysa seddexda xisbi qaran oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inay ilaalin doonaan anshaxa iyo habsami u socodka qaadashada kaadhka codbixinta.

Madaxwayne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo munaasibada soo gabo-gabeeyay ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland muhiimada koowaad siisay sidii dalkani ay uga dhici lahad doorasho xor-iyo xalaal ah islamarkaana ay fulisay dhamaan arrimhii kaga adanaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo ay ugu buuran tahay bixinta gabi ahaanba qarashka ku baxaya doorashada waxaanu yidhi Madaxwayne ku xigeenku “Xukuumada somaliland waxay muhiimad siisay sidii ay gabi ahaanba annagoo qudhi aanu u dabari lahayn doorashada madaxtooyada, dawladihii hore 25% ayay bixin jireen,markaasaa waliba laga waayi jiray annaguse’ maanta dhamaan kharashka doorashada annagaa dhabarka u ridanay, iyada oo aynu ogsoon nahay duruufaha kala duwan ee dalku ku jiro xisbiyada mucaaridka ah waxaanu ka filaynaa inay noo mahadceliyaan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan saylici Madaxwayne ku-xigeenka JSL.

Sidoo kale waxa uu Madaxwayne ku-xigeenku reebay in shaqaalaha dawladu aanay u ololayn karin xisbiyada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY