Somaliland: Maciishadii oo sare kac ku yimid iyo qiima ha lagu raaco Basaska oo la kordhiyay

0
1318
Muuqaalka Hargeysa

Hargeysa (HargeisaPress) —Lacagtii qiimaha Somaliland ayaa u muuqdo mid hoos usii dhacaysa,isla markaana dollarkii cirka isku shareeray, taas oo saamaysay maceeshaddii iyo Gaadiidkii dadweynaha.

Bilihii u dambeeyey waxa marba marka ka dambaysa cirka isku shareeray qiimaha sarifka dollar lagu sarifo, waxaanay taasi saamayn ku yeelatay maceeshaddii oo kor usii kacday oo shay walba wax lagu kordhiyey, iyadoo shaygii hore loo siin jiray Shan boqol oo Shiling ay hadda marayso kun shilling.

Qiima jabka lacagta Shiling Somaliland ayaa sababtay in danyartii wax iibsan kari waayaan maadaama oo wax walba oo ay iibsanayaan lagu sargaynayo dollarka gacantiisa dambe waa haddii uu qofku Kaash haysto.

Boqolkiii dollar ayaa gacanta hore lagu sarifayey sagaal boqol iyo sodan kun, halka gacanta dambe gaadhayso haddii aad heshaba sagaal boqol iyo lixdan kun, iyadoo ay adag tahay in la helo dollar.

Dhinaca kale, Shir ay isugu yimaadeen dirawaliinta basaslayaasha u kala goosha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa lagu go’aamiyay in qiimihii lagu raaci jiray laga dhigey laba kun oo shilinka Somaliland ah.

Qiimaha basaska u kala goosha xaafadaha waa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa markii hore lagu raaci jiray kun iyo shan boqol oo Shiling Somaliland ah, waxaanay hadda ka dhigeen laba kun oo Shiling Somaliland oo u dhiganta (0.25 cent, Dollar).

Sababta keentay korodhka qiimaha basaska ayaan aheyn shidaalkii oo kordhay, hase ahaate waa sixir-bararka iyo sarif bararka is barkan ee maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaya.

Waxaa iyaguna mar kaliya kordhay qiimihii lagu galayay xamaamyada iyo sidoo kale qiimaha ay wiilasha kabaha caseeyaan ay ku marinayeen kabaha amase ku baalasheynayeen, kaas oo maraya kun shilin, halka markii hore ka ahaa shan boqol oo shilling, halka saxanka bariiska ah amase baasta ahi uu marayo sideed kun oo shilinka Somaliland ah oo markii hore ka ahaa afar kun oo Shiling Somaliland.

Arrimahan is biirsaday iyo sixirkan kordhay ayaa caqabad ku noqday nolosha kumanaan qoys iyo masaakiin suuqa ka maxaabsan jirtay ah,oo aanay jirin wax uu ugoynayaa shilinkii ay muruqooda kala soo baxeen ee ku dhidideen.

“Waxaanu leenahay dawlada wax ka qabta sixir-bararka baahsan ee magaalada ka dhacay, waxaan ka mida ahey dadka suuqa ka shaqeysan jiray waxaa na soo gali jiray waa qowtal daruuri wax uu imika noo tarayaana ma jirto, shay walbana cirka ayuu isku shareeray waxaanu marayaa halkii ugu sareysay haday bas noqoto, haday suuli noqoto, haday baallash iyo wax la cuno noqoto, shan caruura ayaan dhalay madarasada waxaa leyga qaada Shan Boqol oo kun, markaan awoodi waayay inaan caruurtaydii madarasada aan ka bixiyo waxaa ay ila noqotay inaan ka saaro malcaamadii”ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan oo ka hadlayey nolosha adage e sicir bararku sababay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here