Sharcigu Maaha Qabyaali Qallinkii: Mustafe Sh. Cumar Geeddi

0
1036

Waxa la yidhi waqtiyadii Soomaaliya uu xooga ku haystay Xisbigii Hantiwadaagu ayaa madal Olole ah oo Madaxweynihii fadhiyo la isku guubaabiyay in laga wadda shaqeeyo dhismaha xisbiga. Waxaa kale oo la tilmaamay in qofkii ka hadha Tareenkaas socda waa Kacaanka’e, aan waxba loo noqonayn, nin ka mid ah Kaadirkii shirka ka qayb galay ayaa kacay, waxaana laga qoray haddal duur xul ahaa oo wuxuu yidhi. “Madaxweyne in aanaan Tareenkaas Xisbiga ka hadhin waa ku dedaalaynaa, Laakiin, anigoo xajisanaya oo ku dhegan hadii la iga tuurayo ka waran.”

Intaasi waa kaftan. Waxaanse uga gudbayaa, baryahan waxaa soo noqnoqotay arrin la xidhiidha cabashada dad sifo aan sharci ahayn loogu diiday Jinsiyadda Somaliland.

Marka koowaad waa inaynu isla qirno, qof meel fadhiya oo hadduu doono masuuliyad hayaa heerka uu doono ha joogo’e dookhiisa shakhsiga ah wixii uu doono kuma sameyn karo, cidii uu doono sharci kuma siin karro midka jinkiisu sanifo ama uu tafiir ahaan isirka uu ka soo jeedo u neceb yahayna kagama hor joogsan karo.

Sidaas oo kale, Xuquuq sharcigu u ogolaaday, ruuxna kuma waayi karo Beesha uu yahay. Haddiiba ay dhacdo oo sarkaal dawladeed si badheedh ah ama si kama ba ah uu u jiidho xariiqii nidaamku u xaddiday, dabadeedna ku xad-gudbo xaqa muwaadin kale, waa in aynu ka dhiidhino oo markaba wax laga qabto.

Marka aynu sidan leenahay, maaha macnaheedu in laga soo horjeedo oo gabi ahaanba la diidan yahay in nidaam la hubiyay oo baadhiseed la marriyo qof kasta marka la joogo bixinta jinsiyadda. Waxaana dadka qaar u arkaan in waaxda Jinsiyadu ka mid tahay meelaha ugu musuqa yar ee la mahadiyay. Laakiin, shaqo kasta oo socota dhaliilo ayaa ka soo noqda, waana in la toostoosiyo oo haddba wixii ka xun la saxo ileyn karriin nidaam ayaa socda’e.

Haddiise dhagaha laga furaysto cabashadda oo aan sida loo fuliyay sharci iyo sharci darro midka ay tahay hubinteedda la joogteyn, markaas waxaa imanaysa in la jabiyo qodobka 8-aad ee Dastuurka Somaliland. Qodobkaas oo si cad u damaanad qaaday sinnaanta muwaadiniinta, islamarkaana reebay kala saarayn ku dhisan midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm.

Waxaa kale oo immanaya Takoor aanay sinaba qiil ugu noqon karin, qodobka Afraad ee Dastuurka iyo qodobada labaad iyo sadexaad ee Xeerka Jinsiyadda Xeer-No-22-2002, kuwaas oo faahfaahiyay muwaadinnimadda u dhalashada ah iyo qaabka lagu helayo aqoonsiga.

Ugu danbeyn waa in sharciga loogu dhaqmo sida uu yahay (law as it is), ee aan laga dhigan hadba sida uu jecelyahay sarkaalka jooga xafiiska Jinsiyaddu islamarkaana la dabaqo qodobka 8-aad ee dastuurka farqadiisa 2-aad oo u dhigan sidan: “Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran”

Mustafe Sh. Cumar Geeddi

 

LEAVE A REPLY