“Haddii aynu u tashano khayraadka dalkeena waxaynu noqonaynaa dadka…”

0
656

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa sheegay in haddii aynu u tashano khayraadka dalkeenna in aynu ka mid noqonayno dada adduunka ugu taajirsan.

Waxaanu tilmaamay in bulsho ahaan la inooga baahan yahay in aynu isku tashano, isla markaana ka shaqayno sidii aynu ula soo bixi lahayn khayraadka dalkeenna ku duugan.

Maxamed Xaaji Aafan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad maanta magaalada Burco lagu qabtay.

Taasoo ahayd kulanka wacyi-gelinta bulshada ee mashruuca Qodista Ceelka Shidaalka ah ee Toosan-1 ee Block SL10B|SL13.

Waxaana xafladaasi ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin, odayaal, waxgarad, aqoon yahano, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo masuuliyiin kale.

DAAWO: Khudbadda Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here