Sharaxaad: Qorshaha Maamulka Biixi Uu Ku Qaybinayo Bulshadda iyo Gobolka Gabiley

0
527

Baarlamaanka Somaliland waxa la  soo hordhigay xeerka caasimada. Warar baa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu Ka dambeeya  qorshe lagu qaybinayo gobolka  iyo bulshada Gabiley-Guban.

Muuse waxa uu  maanta doonayaa in  gobolka Gabiley kala mid dhigo sida tuulooyinka yar-yar ee Faraweyne, Salaxley, Baligubadle, iyo Dar-Salaam. Haddaan laga hortegin qorshaha uu wataa waa in qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka Arabsiyo iyo  Agabar  la soo hoos geeyo degmada gacan-ku-rumiska Dar-Salaam ee yabyabka ah .

Waan la soconaa inaynaan ka dagaalamin oo aynaan ku qisaasin waxna ka weydiin, tii waagii uu degmada Cali-Xaydh kaga jarey Gabiley, isagoo ah wasiirka arimaha gudaha wakhtigii xukuumadii marxuum Cigaal. waligii kama hadhin madaxweyne Biixi cadaawada uu u hayo Gabiley, waxaanu usoo marey meelo badan,oo aan maanta lagu soo koobo karin mid iyo hal.

“Waxaan uga socdaa intaa in aan kula hadlayo reer Gabiley oo aan ku leeyahay gudo iyo dibadba waar illaahay xoogiina ha idin tuso, oo ha idinka soo dhexsaaro kuwii noqon lahaa ee buuxin lahaa kaalintii mujaahid Xasan Yoonis Habane iyo ragii aan garanayay, allaahu yarxame. Waxaa dambi ah nin waliba wuu arkayaa maanta wuxuu samayanyo halkuu taagan yahayna. Weynu ognahay in aynu xisbigiisa kulmiye iyo wax ka hooseeya oo dawladiisa ah in aynu wax ka doonaa waa bilaa caqlinimo. Wey qoomamayan lahaayeen halgankii ay u galeen ragii hoydey qaarkood marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe iyo Jaamac Nuur iyo ragii kaleba—Alla ha naxariistee. Waxaan ku talinayaa reer Gabiley Gudo iyo dibedba, in ay diidaan oo gacmaha isku qabsadaan oo ay ka soo horjeestaan dhulkaa uu Gabiley ka jarayo oo hoosgeynayo Daara-salaam.”

5 Xildhibaana ee Gobolka Gabiley laga soo doorto maxay la aamunsan yihiin ?

Mise waxay daacad u yihiin Muuse Biixi ? Mise waxay u haystaan in  mushaharka inuu Biixi siiyo?

Ma waxeydun maalin walba sacabka u tumi nin idin neceb isir iyo asraarba oo hore loo arkey oo maalmo badan loo soo joogay waxa uurkiisa kujira ee afku ka xadey: haday noqoto beelwaynta Jibriil Abokor oo awal hore haystey ragii raga ahaa ee lagaga cabsoonayay, maantase ay joogaan siyaasiin aan caqli buuran iyo dareen ay wax ku fahmaan midna lahayn oo ku ogaadaan kan cadawga weyn u ah, ee madaxweyne Muuse Biixi  iyo kan nasteexa u ah ee umada kale ah, sababtoo, ah umada soomaliland waxa ugu wanaagsan ka iska kaa eegaya, ee aad cadkaaga ka goosan karto. Laakiin kan awalna cadawga kuu ahaa maantana cadaawadii madaxda kuugu noqdey.

Biixi waxa uu mar walba tusalaaha u soo qaadanaya in ay “Gabiley Hargeysa u dhawdahay oo aanay gacantiisa ku jirin gobolnimadeedu.” Waxa uu tusaale aan munaasib aheyn oo diidmo ah oo isyeel yeel ah, oo uu dareenkiisa iyo shucuurtiisaba ka muuqata oo ah mid aanu qarsanayn, oo aan Muuse Biixi mugdi kaga jirin.

Daawo video-gan uu kaga hadlayo sida uu uga soo horjeeda inay Gabiley noqoto gobol  madaxbannaan.

Tusaale ahaan, gobolka Awdal wareegto wasiirkii arrimaha Gudaha ee Faqashtii Gen. Dafle ku magacaabay (dabcan isagoo oggolaansho ka haysta soddogii Gacan-ku-dhiigle Siyaad Barre) oo aan ilaa iyo imika aan gole Baarlaman oo dastuuri ihi uuna ansixin. Gobolka Saaxilna uu madaxwayne Cigaal magacaabay hase yeeshee aan laftiisa la ansixinin, haddana waxa labadan gobol loola dhaqmaa maanta sidii ay yihiin gobollo rasmiya. Inkastoo xuduudaha gobolka Awdal muran badan ka taagan yahay.

Gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Waqooyi Galbeed, waxa wareegto ku sameeyey Faqash!

Ma jiro gobol Somaliland oo ayey ansixiyiin Baarlamaan xor ah. Waxa JSL Ka jira waa foodo iyo sharci daro.

Siyaasiinta Somaliland ma doonayaan inay ka hadlaan arrimaha xaasaasiga ee xuduudada gobolada Somaliland. Siyaasi walba waxa ku qafilan haddii aad Ka hadasho xuduudada gobolada siiba kuwa  Awdal inay luminayaan codka reer Borama.

Laakiin gobolada uu magacaabay madaxwayne Riyaale sidii gobolo rasmiya Xukuumaddu ulama dhaqanto. Malaha waxa ugu wacan tirada badan ee gobol uu madaxwayne Riyaale hal mar magacaabay. Goboladaa oo qaarkood tuulooyin yar yar yihiin oon runtii aan u qalmin in gobol lagu magacaabo. 6da gobol ee Gabiley mar lala magacaabay marka tirada dadkooda la isku daro waxa ka tiro badan gobolka gabiley kelidii!! Xataa gobolka Sanaag oo dhul ahaan dalka u wayn ayuu gobolka Gabiley ka dad badan yahay (eeg tirada ardayda iyo codbixiyaasha doorashooyinka).

Haddaba gobolka qiimahaa leh wuxuu gobol rasmiya u noqon waayay sababahan hoos ku qoran:

Siyaasiintiisa gobolka oo qaybsan, badankooduna ay yihiin dad reer ahaan uun lagu doortay oon aqooon iyo karti lagu dooran. Qadiyada  iyo danaha gobolka  ku dhaafsaday jago iyo dan gaar ahaaneed, qaarkoodna sacabka u tumaan( Cheerleaders) u ah Biixi.

Bulshada gobolka oon ahayn bulsho isku duuban, aan la hayn hoggaan dhaqan iyo siyaasadeed oo midaysan.

Arki maysid odayada Gabiley oo sida reer Awdal, reer Sanaag ama gobollo kale qaylinaya kuna hanjabaya haddaan dantooda reer ahaaneed loo fulin in JSL lagu kala tegiyo ama qaddiyada iyo ammaanka JSL ay wax yeelayaan.

Laakin, horta, Somaliland ma 5, 6 ama 13 gobol ayey Ka kooban tahay?

Jawaabta su’aashaa waxay ku xidhan tahay hadba cida ay maamulka Somaliland uu la hadlayo. Somaliland marka ay la xidhiidhayso United Nations, gobolada waa shan, oo Saaxil waa qayb Ka mid ah Waqooyi galbeed— UNta waxay Somaliland ula dhaqantaa gobol ka mid ah Somalia.Markay noqoto doorashooyinka, goboladu waa lix gobol. Marka ay doonayso in la madadaaleeyo dadka reer Gabiley/Guban  si codkooda loo helo  goboladu waa 13 gobol.

Reer Gabiley-Guban waa inay ogaadaan  in dawlad dhexe uu madaxda Ka yahay Biixi gobol ay siinaysa ma jirto.

Hadaba maxaa la gudboon dadweynaha reer Gabiley-Guban?

Waa in reer Gabiley-Guban ay u dagaalamaan inay xaqiijiyaan himiladooda ay gobol ku rabaan.

Marka hore, waa in la abaabulo olole siyaasadeed oo hogaan leh kana shaqeeya in Gabiley-Guban  gobol noqdo. Ololahaas waa inay Ka bilaabmaan deegaanada Gabiley-Guban oo idil, dhallinyaradana  iyo qurbo- joogtada waa inay hormood ka noqdaan.

Waa in codkooda siyaasadeed ee awoodda badan kula gorgortamaan xisbiyada qaranka. Waa inay madaxwayne Biixi iyo Xisbiga u caddeeyaan inaan mar labaad la dooranayn hadduuna gobolnimada Gabiley-Guban dhaqaajin. Waa in siyaasiinta gobolka Gabiley-Guban, odayada iyo aqoon yahankuba u hawl galaan iskana kaashadaan sidii arrintani u meel mari lahayd.

Dadweynaha reer Gabiley-Guban dooni maayaan wax la siiyo, sida beelaha qaarkood. Gabiley-Guban waa gobol dad, dhul iyo dhaqaale ay ku noqdaan Gobol leh, xuduudna kala leh xaga waqooyiga Gacanka Cadmeed. Gobolkaas  waxa ku nool in ka badan 10  beelood. Laakiinse, waxa  ka hortaagan oo keliye  inay noqoto gobol madaxbanaan waa siyaasiin uu Biixi ka mid yahay. Beenta laga wado Borama iyo Hargeisa socon mayso.

Siyaasiin badan oo reer  Hargeysa ayaa weli  u haysta Gabiley, Wajaale, Alleybadey,Geed-Ballaadh, Kala-baydh, Agabar,  iyo Arabsiyo, tuulooyin yar yar  oo  duleedka Hargeisa ah. Siyaasiintaas weli waxay moodaan in wadanku uu 1960 ku jiro. 1960, magaalada ugu dad badnayd Somaliland waxay ahayd Berbera.Laakiin, maanta lagu ma jiro 1960. Gobolka Gabiley-Guban noqon maayo gobol dadkiisa iyo dhulkiisa abatarsiimo  lagu sheegto, laguna helo codad lagu gaaro xafiis sare.

Gabiley waxay degmo buuxda noqotay 1961, Lug-haya waxay mid ahayd Gabiley intuusan Afweyne-Dafle aysan ka jirin 1986. Gabiley waxay la leedahay  degmada Hargeisa xuduud  cayiman oo sumadaysan. Wasaarada arrimaha ee musuqmaasuqa hareeray xuduudkass wax ay ka bedeli karta ma jirto.  Wasiir Kaahina waxa uu shaqo ka dhigatay xidh-xidhka, faragelinta, iyo cabudhiska golaha degaanaada ee sida xorta loo soo dorrtay.

Xildhibaanada laga soo doortay  gobolka Gabiley, waa maxay qorshaha  aad Ka damacsan yihiin  mashruuca lagu kala qaybinayo gobolka iyo bulshada Gabiley?

Waa inaad Ka hortagtaan  dibindaabyada laga wado  madaxtooyada Hargeisa!

Waa in  hurdada laga kacaa , loona dagaalamaa xuquuqda Reer Gabiley. Haddi kale waxa dhici doontaa in Gabiley loo kala qaybiyo Magaalada maamulka xun Hargeisa ee biyaha la iyo gobolka Awdal, taasna ma aha wax la aqbali karo.

Cali-Guban Maxamed

Tafatiraha Gubanmedia.com

aliadm18@gmail.com

Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso tan Hargeisapress. Hargeisapress, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada.

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY