Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

0
1552
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga arrimaha guddaha ee golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wasiirka arrimaha guddaha ku eedaysay in uu ka dhaga adaygay codsiyo ay guddigu kulan kaga dalbatay.

Xildhibaan  Axmed Nuur Guruuje oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ku eedeeyay in uu si cad iskaga dhaga tiray dalabka guddiga.

“Waxay ahayd ballantu in wasiirku saaka golaha hor yimaado, lakiin wasiirkii arrimaha guduhu mana soo jawaabin mana iman, sidaa darteed waxa caddan ah in qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 7aad ,uu wasiir si caddaan ah oo ula kaca u jabiyay” ayuu yidhi Xildhibaan Guruuje.

Guruuje, ayaa sheegay in guddigiisu aanay codsi danbe u qori doonin wasiir Kaahin, lakiin ay arrintiisa u gudbin doonaan gole waynaha, si golaha oo dhani ugu yeedho oo uu wax uga waydiiyo shaqadiisa.

“Waxaanu shacbiga Somaliland u caddaynaynaa in anay guddidu mar danbe wasiirka daakhiliga warqad danbe u qoraynin, sida uu xeer hoosaadka golaha wakiiladu dhigayana, waxaanu arrinta wasiirka u gudbinaynaa golaha wakiilada, si wax looga waydiiyo arrimaha amniga iyo maamulka” ayuu sii raaciyay Xildhibaanku.

Waxa sidan oo kale bishii labaad ee sannadkan guddiga u diiday Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland,  Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in aanu ka hadli karin goob warbaahintu joogto oo uu siro qaran hayo.

https://www.facebook.com/HornCableTv/videos/1184528205493705

LEAVE A REPLY