Hoggaanka KULMIYE Oo Kulan La Qaatay Taageerayaashoodda Togdheer+Sawirro

0
397

Burco (HP): Wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa kulan ballaadhan oo la isku xogwaraystay, islamarkaana cududda taageero ee xisbiga lagu muujiyey la qaatay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer.


Munaasibaddan oo ahayd mid ilyartu is qabatay, islamarkaana uu hoolkii kulanku qaadi waayey baaxadda taageerayaashii xamaasadaysnaa ee goobta yimi, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga horyaalla, islamarkaana loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya taageerayaasha iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.


Ugu horrayn, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, Mudane Mukhtaar Axmed Cali oo munaasibadda daah-furay, ayaa taageerayaasha KULMIYE uga mahadnaqay sida xamaasadda iyo xisbi jacaylka leh ee ay usoo buux-dhaafiyeen kulanka ay la leeyihiin hoggaanka sare ee xisbiga, waxana uu ugu baaqay inay halkaas kasii wadaan taageerada ay KULMIYE u hayaan.


Cuqaal, waxgarad iyo madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerada xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba sii xoojinayaan, iyaga oo intaa ku daray inay xuddun u yihiin taageerada KULMIYE.


Xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawad oo halkaas ka hadashay, muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Togdheer muujiyaan taageerada hagar la’aanta ah ee ay xisbiga u hayaan, iyada oo madaxda xisbiga ee gobolkana arrintaas ku ammaantay.


Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Mudane Maxamed Ibraahim Nafaqo, ayaa tilmaamay in midnimada iyo isku-duubnidu mar kastastaba astaan u tahay taageerayaasha KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay kor u qaadaan dedaalkooda la xidhiidha sidii uu KULMIYE meel sare uga geli lahaa tartanka ururrada ee dhawaan qorshaysan.

Xubno wefiga uu guddoomiye-ku-xigeenka labaad hoggaaminayo kamid ah oo ay kamid yihiin Axmed Nuur Faahiye iyo Nuux Maxamed Xuseen oo dhammaantood kamid ah guddida fulinta ee xisbiga iyo Sheekh Saleebaan SIciid Cali oo ah xoghayaha Abaabulka ee KULMIYE oo munaasibadda ka hadlay, ayaa taageerayaasha KULMIYE ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay u abaabulan yihiin, islamarkaana uga shaqaynayaan guusha xisbiga, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in xisbiga KUlMIYE yahay xisbi guun ah oo ku jira marxalad ay jiilal kala duwani dhaxlaan.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo la hadlay taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Togdheer, ayaa hoosta xarriiqay inay Burco tahay goob uu ku abtirsado xisbiga KULMIYE, islamarkaana uu mar walba ku tashado taageeradeeda iyo garab-istaaggeedaba.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan gobolka Togdheer, ayaa guul ku tilmaamay isu soo baxa xamaasadda leh ee ay caawa muujiyeen, waxana uu ku boorriyey inay dedaalkooda halkaa kasii wadaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde, ayaa ku dheeraaday waxqabadka kala duwan ee xisbiga iyo xukuumadda uu hoggaamiyaa ka hirgeliyeen dalka muddadii ay xilka hayeen, haatan uu diyaar u yihiin sii horumariyaan horumarkooda iyo dedaalka ay ku hawllan yihiin.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay taageerayaasha KULMIYE ee Togdheer, kuna tilmaamay ma daallayaal si gaar ah ugu suntan dhammaanba guulihii uu xisbigu gaadhay, waxana uu isu soo baxooda iyo abaabulka ka muuqdaba ku tilmaamay mid astaan u ah inay sii korodhay midnimadii iyo xamaasadda taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Togdheer.


Dhinaca kale weftigii uu hoggaaminayey guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, ayaa saaka la quraacday bulshada ku dhaqan magaaladda Burco.
Waxaana halkaasi dadweynaha iyo madaxda xisbiga Kulmiye ay ku dhex maray wada sheekaysi, iyo hadali kafdan ahaa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here