“Shaqsiyaadka Dacaayadanaya Xarunta Dhaqanka Hargaysa Waxay Diiddan Yihiin Jiritaanka Somaliland”…

0
585

Waxaa iska cad oo muuqata in dadka dacaaydinaya xarunta dhaqanka Hargeisa ay yihiin dad diidan qaranimada somaliland iyo horuumarka dalkan somaliland, balse aanay diidanayn xarunta dhaqanka, arrintaasi maa mashruuc wayn oo la doonayo in lagu wiiqo qaranimada somaliland.

Waxaa muhiim ah in Shacabka Somaliland ay fahmaan in arrintani tahay mashruuc ay wataan shaqsiyaad dadka diinta ugu soo dhuumanaya balse ujeedadoodu tahay in ay somaliland iska hor istaagaan adduunka ku soo xidhmaya iyo cilaaqaadka wanaagsan ee somaliland la leedahay adduunka.

Waxaa kale oo muhiim ah oo qof kastaa arkayaa in aanay dhibaato ka jirin xarunta dhaqanka ee Hargeisa, dadka gacanta ku hayaana ay yihiin dad sharaf iyo karaamo leh oo aan looga baqayn dhaqan xumo iyo wixii la mid ah, balse arrintan ay dibada ka riixayaan dadkaa aan kor ku soo xusay oo ah dad diidan Somaliland.

Xarunta Dhaqan Ee Hargeysa waxay u Taagantahay Soo Celinta Dhaqankii Wanaagsanaa Iyo Kor u Qaadista Sumcada Somaliland. Xarunta dhaqanka ee Hargeisa {Hargeisa Center Cultural}, waa xarun muhiim u ah somaliland iyo gaar ahaan ummadda ku hadasha Afka Somaliga meelkasta oo ay joogaan, sidoo kalena xarunta dhaqanka ee Hargeisa waxay u taagan tahay kor u qaadista iyo hormuurinta dhaqanka soo jireenka ahaa, taas oo muhiim u ah shacabkeena oo u baahan in la fahansiiyo waxyaabaha ku saabsan dhaqanka wanaagsan.

Ummadd kastaa waxay ku faanta dhaqankeeda, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dhaqan waxaa lagu bixiyaa dhaqaale badan, balse inaga dadkeenu ilaa imika ma fahamsana soo celinta dhaqankeenii wanaagsanaa, sidoo kale waxa jira dad ku fashilmay arrimohoodii gaar ka ahaa, iyo tii guud oo inta badan warar been ah ka faafiya xarunta dhaqanka Hargeisa, kuwaasoo ka xun horuumarka iyoarrimaha wanaagsan ee ay wado Xarunta Dhaqanku.

Xaruntan Dhaqanka waxaa madax ka ah Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid shaqsiyaadka Somaliland sumcadda ku leh, waa aqoonyahan jecel horuumarka Somaliland, markastana waxaa uu u taagan yahay horuumarka somaliland iyo kor u qaadista arrimaha dhaqanka , iyada oo aynu wada ognahay in ay tahay Xarunta Dhaqanka Hargeysa ta keli ah ee Somaliland ka jirta kana shaqaysa arrimaha dhaqanka ee soo jireenka ahaa iyo kor u qaadista afkeenna Hooyo.

Waxaynu aragnaa shaqsiyaad inta badan Faafinaya warar been ah oo leh xarunta dhaqanka Hargeisa, waxaa lagu faafiyaa dhaqamo xun xun, hadii lagu faafiyo dhaqamo xun xun, ma ogtahay in xaruntan ay ragii aas-aasay ay ka mid yihiin Abwaanka wayne ee Maxamed Ibraahim Warsame {Hadrawi} iyo abwaanka kale ee wayn Ilaahay baa wayne ee Xasan Ganey, xarunta ragaasii aas-aaseen ma dhaqan xumo ayaa ka iman karta? Jawaabtu waa maya qofkasta oo caqligiisu feyoyahay wuu fahmayaa meesha ragaasi aas-aaseen in wanaag wax aan ahayni aanay ka imanayn, markaa raga dhaliilaya xaruntan waa rag caayaya aqoonta ummadda. Sidoo kale Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

Waxaa ku jira oo ka mid ah dadka hormoodka u ah sheekha caanka ah kaas oo adduunka oo dhan caanka ka ah waa Sheikh Maxamuud Sheikh Dalmar oo la wada yaqaan oo ka soo baxay Jaamacada Azhar, waxaana uu ka soo shaqeeyey BBC-da, waana sheikh ka jawaaba arrimaha muhiim ka ah ee diinta. sidoo kale waxaa ka mid ah raga hormood ka u ah xaruntan dhaqanka Hargeisa Rashiid Sh, Dalmar oo ah qoraa caan ah, waxaa ka mid ah Muuse Cali Faruur oo ah shaqsi ku xeel dheer arrimaha dhaqan, ragas baa somaliland dhaqankeeda xumaynaya? Waa maya jawaabtu ka wararka beenta ah faafinaya ayaa dhaqan xumo wada. Shaqsiyaadka kale ee xarunta dhaqanka Hargeisa haldoorka u ah waxaa ka mid ah Siciid Gumcudi oo ah naqoon yahan sidoo kale ah qoraa, markaa ma goobta intaa aan sheegay iyo in ka badan oo kale ay hawsheeda gacanta ku hayaan baa la odhan karaa dhaqan xumo ayaa lagu faafiyaa? Jawaabtu waa maya balse shaqsiyaad diidan wanaaga oo dano shaqsi leh ayaa faafiya wararkaa beenta ah iyo dacaayadaha raqiiska ah ee ku saabsan xarunta dhaqanka Hargeisa.

Goobtani waa goobtii dhaqanka wanaagsan, haruumarinta dhaqankeena, waa goob kor loogu qaado afka iyo qoraalka oo waynu ognahay in sanadkasta la qabto carwo ama {Book fair}, taasoo ay ka soo qayb galaan dhammaan cidkasta oo lagu tuhmayo aqoon qoraal, mid dhaqan iyo mid hal-abuur, kuwaasoo isaga yimaada dalacada adduunka, waxaana ka soo qaybgala shaqsiyaad caan ka ah adduunka, kuwaasoo somaliland ka gudbiya fariimo fiican oo ku saabsan horuumarka iyo nabada somaliland. Sidoo kale dadka tacabka badan geliyey xaruntan Dhaqanka Hargeisa, waxaa ka mid ah Ayaan Cashuur oo ah Safiirka somaliland dalka Ingiriiska muddo dheer ahayd.

Iyada oo ka mid shaqsiyaad muhiimka u ah xubnaha xaruntan, dad badan oo caan ahna ku soo xidhay somaliland, waxaa kale oo dhaliisha xarunta lagu soo daraa Dr, Micheal Walls oo ahaa shaqsigii hoggaaminayey goob joogayaashii caalamiga ahaa ee ka qayb galay doorshadii madaxtooyada ee somaliland ka dhacday sanadkii 2017, taasoo calaamku ina ku boogaadiyey qaabkii ay u dhacday, iyada oo somalilandna uu warbixin fiican ka bixiyey Dr. Micheal Walls oo dadkaa fashilmay ee aan soo sheegay ay yidhaahdaan xarunta dhaqanka ayuu ku xidhan yahay. Sida ay shacabka somaliland wada ogyihiin xarunta dhaqanka ee Hargeisa waa astaan u taagan horuumarinta afkeena hooyo, horuumarinta dhaqanka, ilaalinta dhaqanka wanaagsan iyo ka shaqaynta horuumarka somaliland,. Hadaba Xarunta dhaqanka Hargeisa, waxba yeeli mayso dacaayad raqiis ah oo shaqsiyaad dano gaar ah oo ay la haayeen ka waayet xaruntan ay meelahaas ku faafinayaan waxba yeeli.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Hargeisa/Somaliland.

LEAVE A REPLY