Kulan Nairobi Ku Dhexmaray Wefdi Ka Socda Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Midowga Yurub

0
1641

Nairobi (Hargeisa Press) – Wefdi ballaadhan oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa socdaal shaqo ugu kicitimay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Wefdigan waxa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed, Agaasimaha Waaxda Maamulka Maxamed Saleebaan Cumar iyo Lataliyaha Wasiirka Siciid Maxamed Jaamac (Boodsane).

Ujeeddooyinka socdaalka wefdiga, ayaa ah xoojinta xidhiidhka Waxbarashada ee labada dal, wadatashiga hormagalinta qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026, tolaynta fulinta mashaariicda Waxbarashada, iyo abuurista Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada (Somaliland Educational Development Fund).

Wefdiga Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ay xagga farsamada ka taageerayso Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya ayaa shaqadiisa ka bilaabay kulan soo dhawayn ah oo ay la qaateen Safiir ku xigeenka Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya, Amb. Sharmaarke Geelle iyo hawlwadeennada Safaaradda.

Wefdigu waxa ay kulammo la yeesheen Midowga Yurub (EU) oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta labada dhinac, kordhinta maalgalinta Waxbarashada Somaliland iyo diyaarinta mashaariicda horumarinta Waxbarashada oo ku salaysan Qorshaha Horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026.

Sidoo kale, wefdiga Wasiirku waxa ay kulan shaqo la qaateen Hay’adda Adam Smith International oo ay kala saxeexdeen heshiis farsamo oo ay maalgalinayso Midowga Yurub oo lagu kobcinayo adeegga ay Wasaaraddu u fidiso bulshada iyo guud ahaan horumarinta Waxbarashada Somaliland.

Wefdiga Wasiirku waxa ay sidoo kale la kulmeen Safaaradda Finland ee Nairobi iyo Hay’adda USAID, waxaanay kala hadleen kordhinta qaadhaan ay ku kabaan Waxbarashada Somaliland.

Wefdiga, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda kulammo la yeeshaan qaadhaan bixiyayaasha, laamaha Waxbarashada ee dalka Kenya iyo Jaaliyada Somaliland ee deggan dalka Kenya.

LEAVE A REPLY