Dhul-gariir Maanta Ka Dhacay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti

0
241

Jabuuti (HP): Dhul-gariir xoogan ayaa maanta ka dhacay magaaladda Jabuuti, ee caasimadda dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhul-gariirkaasi laga dareemay magaaladda Jabuuti, cabirkiisa lagu qiyaasay 4.7, saacadu markii ay ahayd 4:20 subaxnimo ee saaka.

Sida ay sheegtay Xarunta cabirka dhul-gariirada Maraykanka ee magaceedda loo soo gaabiyo USGS.


Xarunta USGS, ayaa intaasi ku dartay in ubucda dhul-gariirkani ay tahay meel 3.5
KK waqooyi bari kaga beegan magaalada Jabuuti.

Qotoda dhul-gariirka ayey xaruntu ku tilmaantay in ay jirto 12 km, balse ma jirto faah-faahin intaas ka badan oo soo baxday.

Geesta kale dawladda jamhuuriyadda Jabuuti, ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin Dhul-gariirkani, iyo khasaaraha ka dhashay ba.

Marka laga reebo wasaaradda Waxbarashadda dalkaasi oo war ay soo saartay ku sheegtay in la faxasay dhamaanba dugsiyadda waxbarashadda.

Dhinaca kale Dhil-gariir ka dhaca Jabuuti, waxaa ugu danbaysay 15 sanadood ka hor, oo ku beegnayd sanadkii 200i-dii.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here