Shan Arrimoodood Ka Ogow Doorashada Somaliland Ee Berrito

0
1258

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dadweyanaha Somaliland, ayaa berri u dareeraya goobaha codeynta si u soo doortaan musharraxiinta deegaanadooda matalaya, Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in dhammaan agabkii doorashada la geeyay goobaha codbixinta, halkaas oo lagu wado in maalinta berri ah ay dadka codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale kale dadweynaha ka codsaday in si nabad leh ay u codeeyaan, wuxuuna dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in si maskax ay ku jirto ay tahay in loo xalliyo haddii ay soo baxaan wax khilaaf ah oo ku aaddan natiijooyiinka ka soo bixi doona doorashada.

Kormeeyaasha doorashada

Waxaa Somaliland kusii qulqulayay kormeerayaal ka socda dalalka gobolka xilli berri ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka iyo Wakiilada.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadlayay maanta doorashadaas, ayaa sheegay in cidwalba ay ka soo baxday mas’uuliyaddii ka saarneyd doorashada, halka uu tilmaamay in madax badan oo dalal iyo ururro ka kala socda ay soo gaadheen Somaliland si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Wuxuu sheegay in kormeerayaal caalami ah ay soo gaadheen Somaliland kuwaas oo intooda badan ka socda Afrika si ay u soo kormeeraan doorashada.

“Waxaa dalka soo galay kormeeyaasha caalamka oo ah safiirada Yurub badankooda ka jooga Geeska Afrika dhammaantood shalay ay soo galeen magaalada, intaa la e’g oo diblumaasiyiin ah oo dalal badan kala ah qaarad kasta oo adduunka ah, 31 oo isugu jiro kormeerayaal caalami ah oo dhammaantood ka soo jeeda Afrika oo u badan Afrikada dhexe iyo Afrikada galbeed oo uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Sierra Leone”

Codbixiyaashii abid ugu tiro badnaa   

   

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha.

Waxaana doorashada codkooda dhiiban doonaa dadka ka badan hal malyan halka goobaha codbixinta ay gaadhayaan 2,709.

Ololaha Hiil Haween

Haddaba doorashadan Somaliland ka qabsoomeysa berri, waxaa u sharraxan haween dhowr ah, inkasta oo ay wejahayaan caqbado kala duwan.

Halgankaa ah in haween badani doorkan soo baxaan, ayaa waxaa qayb ka ah ololaha Hiil Haween oo ay bilaabeen hablo si mutaddawacnimo ah ugu ololaynaya haweenkaas si ay uga caawiyaan ololaha doorashada.

Muna Xuseen Khaliif oo halwadeennada Hiil Haween ka mid ah, ayaa BBC u sheegtay in ololaha ay uga golleeyihiin si haweenka musharraxiinta ah ay codka ula raadin lahaayeen iyo kharashaadka uga baxayo ololaha doorashada.

“Waxaan isku daynay in bulshada dhexdeeda sida hablihii jaamacadaha iyo bulshada aan isku xidhno ugu sameyno, tan labaad oo ah in cod haweenka la raadino, tan saddexaad waa in qaaraan u sameyno, caqabadda ugu weyn ee musharraxiintan ay ka cawdeen waxay aheyd inta badan dumarka ma laha hanti inta badan ay xaraashaan ay ku galaan ololaha waxaan isku daynay in xagga dhaqaalaha aan ka caawinno” ayay tidhi Muna Xuseen Khaliif.

 Kadib markii musharrixiinta la kala reebay, keliya 14 haween, ayaa u soo baxay in ay u tartami karaan kuraasta doorashada ee goleyaasha deegaanka. Tiro intaas ka badan ayaa ku dhawaaqday inay daneynayaa inay tartamaan balse dhammaantood uma suroobin inay helaan musharraxnimo.

Qalab casri ah

Waa markii labaad ay Somaliland u adeegsaneyso doorashada qalab teknolojiyad ah kaas oo sawir ka qaadaya isha qofka codeynaya, si aan kaadhka loo been abuurin.

Doorashadii 2017-kii ayay aheyd markii doorashada loo isticmaalay isla qalabkan.

Guddiga doorashada ee Somaliland, ayaa sheegay in qalabkaas casriga ah ay uga hortagayaan wax isdabamarin iyo in qof uu ku codeeyo kaadh aanu lahayn.

Astaamaha musharraxiinta

Xilliggii ay socdeen ololaha doorashada Somaliland waxaa soo baxayay sawirro kala duwan oo ay soo bandhigayeen musharraxiinta golaha Deegaanka iyo golaha Wakiillada.

Sida ku cad warqad uu guddiga doorashooyinka u diray saddexda xisbi, waxaa xisbi kasta la siiyay 20 astaamood si uu ugu qeybiyo murashaxiinta ugu tartamaya golaha Wakiillada.

Murashax Maxamed Jaamac Ismaaciil (Koodbuur) oo xisbiga UCID uga sharraxan gobolka Maroodi-jeex. Astaantiisu waa diig. Waxa uu ololihiisa u isticmaalay diig nool oo uu ku soo xardhay midibka xisbigiisa.

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY