Abiy Ahmed oo Daah-furay Mashruuca Wadada Isku Xidha Adama iyo Awash

0
936

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay weheliyaan saraakiil sar sare, ayaa waxaa uu daahfuray Mashruuca Wadada isku xidha Adama iyo Awash.

Dhismaha jidkan oo dhererkoodu yahay 60km, ayaa qayb ka ah wadada weyn ee isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana lagu fulin doonaa miisaaniyad dhan 6.7 Billion oo Birr oo laga hubiyay Bangiga Horumarinta Afrika.

Waddada Gaadiidka ee Itoobiya iyo Jabuuti waxay qayb weyn ka qaadan doontaa in ka badan 90 boqolkiiba waxqabadka dhoofinta Itoobiya.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay munaasabaddii daahfurka, ayaa wuxuu mar kale caddeeyay sida ay dowladdiisa uga go’antahay inay xoojiso dadaallada ku aaddan sare u qaadista mashaariicda biyo xidheennada waraabka si loo hubiyo sugnaanta cuntada.

Ra’iisal wasaaraha, ayaa xusay in aayaha dambe ee Itoobiya uu si aan kala go ‘lahayn ugu xidhnaan doono oo keliya dadaalka Wiilasheeda iyo Gabdhaheeda, “Itoobiya waxaa horumarin doona oo kaliya Itoobiyaanka”.

Sidoo kale, ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la dhisi doono khadka Korontada ee Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan.

Itoobiya, ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta isdhexgalka gobolka iyada oo loo marayo korontada, ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa kale ee bulshada waxayna muujineysaa mowqifkeeda ku dhisan is afgarad la’aanta ee ku aadan xaqiijinta faa’iidada ay wadaagaan dalalka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here