Shacabka Degaanka Qabri-gorod oo Hadhimo-sharafeed iyo soo Dhaweyn Sare u Sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE + SAWIRRO

0
1700

Qabri-gorod , (HargeisaPress) —Shacabka ku dhaqan deegaanka Qabri-gorod (Balli-gorod) oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa hadhimo-sharafeed qiimo badan oo ay weheliso soo dhaweyn diirrani ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal shaqo ku jooga gobolkaasi.

Hadhimo-sharafeedda ay shacabka deegaagaanka Qabri-gorod ku maamuuseen Guddoomiye Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ka dhacday goob loo diyaariyey oo ku taal deegaankaasi maanta, waxa hormood u ahaa cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada, waayeelka, waxgaradka, haweenka, iyo masuuliyiinta kale ee ka soo jeeda beesha halkaasi degta, iyadoo ka hor intii aan la cunin casuumad heerkeedu sarreeyey ay boqolaal ka tirsan shacabka halkaasi ku dhaqani ay soo dhawayn diirran ku qaabileen Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Munaasibad qayb ka ahayd soo dhawayntaasi oo hadallo laga jeediyey, ayaa salaadiin, cuqaal, waxgarad, masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta deegaanku ay si wayn ugu mahadnaqeen Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa sida ay uga aqbaleen codsigii ay u direen, waxaanay si isku mid ah u sheegeen inay beeshu ka simantahay taageerada ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE.

Xubno ka mid ah weftiga Guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cali Marreexaan, Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Md. Cali Maxamed (Dhegoole), xildhibaan Axmed Wayso-cadde, Xoghayaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Mustafe Waxdad iyo saraakiil kale, ayaa iyaguna ka mahadceliyey casuumadda iyo soo dhaweynta indhaha soo jiidatay ee ay shacabka deegaanka Qabri-gorod u sameeyeen xisbiga KULMIYE, waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay taageerada shacabka deegaanku marag ka tahay cududda uu xisbigu ku leeyahay Qabri-gorod.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka deegaanka Qabri-gorod ku bogaadiyey taageerada iyo soo dhaweynta diirran ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen, waxaannu ku hambalyeeyey sida anshaxa iyo milguhu ku dheehanyahay ee ay ula dhacsan yihiin siyaasadaha xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa.

Dhinaca kale, weftiga Guddoomiye Muuse Biixi waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Togdheer oo uu socod ku maray, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Waraabeeye, Balli-hiille, Xangeeyada, Bilcil-wayso, Suryada, Laba-guul, Cadow Yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg oo dhammaantood shacabka ku dhaqani ay ku qaabileen farxad iyo dareen ay ku soo bandhigeen taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka Somaliland, iyadoo Guddoomiyaha KULMIYE uu isna dhankiisa khudbado kala duwan oo u jeediyey bulshada deegaannadaasi uu ugu mahadceliyey, isla markaana uu kala hadlay wax-wadaqabsiga iyo danaha horumarineed ee loo baahan yahay inay ka midho-dhaliso ummadda Somaliland iyo weliba hiigsiga xisbigu doonayo inuu ku hoggaamiyo waddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here