Saxafiga caanka ah ee Raage Omaar oo kulan Xiiso badan la yeeshay Aqoonyahan iyo Suxufiyiinta Somaliland +SAWIRRO

0
2138

Hargeysa,(HargeisaPress) —Kulan balaadhan oo ay soo qaban qabiyeen Ururka Suxuufiyiinta Somalland Ee Solja iyo Telefishanka TRUE-CABLE ayaa habeen hore ka dhacay Hotel  Maansoor ee  maagalada Hargeysa.

Kulankan oo uu marti ku ahaa Saxafiga caanka ah ee Raage Omaar ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaan, Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, Adna Adan Ismaaciil wasiirkii hore ee armiha dibada Somaliland, Agaasimaha Telefishanka TRUE-CABLE Siciid Mire, Suxufiyiinta Somaliland ee Hargeysa ku sugan, Dhalinyarada jamacadaha,Aqoonyahano badan.

Barnaamijkan intii uu socday waxa si Toos ah looga daawanayay Telefishanka TRUE-CABLE, waxaanay ka soo qayb galayaashi kulankaasi Wariye Raage Oomaar waydiiyeen Su’aalo iyo warbixino kala duwan oo khuseeya Mihnada Saxaafadda.

kulankan waxa maal-galinaya Telefishanka TRUE-CABLE waxaana marti-qaadka diyaarinaya Ururka SOLJA.

 

Wariye Raage Oomaar oo u shaqeeya Telefishinka ITV ee dalka Britain laga leeyahay, Raage Oomaar Waa wariye reer Somaliland oo caan ka ah caalamka oo dhan.

Halkan hoose ka Daawo Sawirrada

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here