XEER-JIR & XOOLO-JIR: Qaybtii 2Aad Qalinkii Jamal A. Muse.

0
1476

“Gorfeynta Xadka Gummeynta & Galalafka Xoolo-jirka & Ka Sayid Calaynta Xeer-jirkii Xilkasta ahaa”

Si kastaba ha ahaatee dhigaalka qormada tan an ku xuso in xeer-jirku aannu marna noqon jirin mid calooshu gummeysato, tusaale ahaan xiligii gummeystihii Britain inoo sameeyay chief-caaqilada, isaga oo siin jiray mushahaar yar oo uu ku gummeyn jiray cuddanidii garashada maanka iyo kartidii waddaniyadda ayay rag badani arrintaa beeniyeen. Hadaba sidda taariikhdu xustay Chief-caaqil Sharmaarke Xagaa-dheere ayaa ka mid ahaa hogaamiye dhaqameedkii  diiday in calooshu xukunto oo xoogaa gunne ahi u taliyo. Kaasi oo  shilimaadkii mushaharka gumaystaha ku ururiyay waysada biyaha, si ayna calooshiisu ugu jabin cadawga gummeysiga iyo garbo fuulkii ummadda ku habsaday ee hankooda galaaftay.

Mar kale aan xuso magacyadda iyo  Kaalintii hoggaamineed ee Salaan Carabay, Ismaaciil Mire, Ismaaciil Hadalwanaaje, Suldaan Maxamuud Cali Shire, Ina Sanwaeyne, Ugaas Xasan, Suldaan Cabdilahi, Suldaan Cabdirahmaan, Ugaas Doodi, Sheekh Bashiir, Farah Oomaar, Mataan Ciideed, Wiilaal, Raage Ugaas, Caqli Nuur. Sheekh Cali Jawhar iyo qaar kale oo badan “Fiiro gaar, ragani waa inta qalinku xusay, inta hadhayna idinka ayaan idin dhaafay”. Hadaba dhammaan hoggaamiye-yaashani waxay ka sinaayeen hal-reebka iyo halloosiga himilada hoggaaminta ummadda, waxaana ka go’nayd in ay tagaan hal ku dheg maan tabyo reeba.

Haseyeeshee, hab-dhaqankii iyo hanaan hoggaamineedkii kooxdii xoolo-jirka aheyd ayaa halis wayn ku ahaa xeer-jirkii talada ummadda looga danbeyay, maaddaama oo ay ahaayeen ingaab arag ka arradan dhaqanka gobanimada iyo garaadka fogaan aragga ee nolosha midnimada iyo wadda jirnimada qofnimo iyo qaranka iftiimiya.  Hadaba, Kolkay arkeen halista kooxdan, waxay xeer-jirku curiyeen maahmaahda caanka ah ee tidhaa “Ninkaad kabihiisa tolayso ayaa kaffankaaga tola”, waxayna arrintaasi ku xalin jireen dulqaad iyo aamus badan. Balse maanta intaasi kuma fila, waayo xoolo-jirkii ayaa xoogaystay oo meesha uu joogo u qaatay hanti isagu uu leeyahay. Iyaga oo Dumarka iyo ciyaalka la dhex fadhiya kala fogayn iyo kala qoqob ummadeed. Qaar  ka mid  ah raga ka soo jeeda xoolo-jirkii shalay ayaa kuwo maanta  hiyiga & laabta ku haya hanashada hogaaminta ugu sareysa ee  ummadda, halka kuwo kale oo badani ay fursada shaqada wanaagsan iyo yagleelida nolol dhadhan macaan u arka hibo  & ayaan bilan oo ay dadka kale dheer yihiin.
Gunta iyo axadhka waydiimaha qodobka kan ka dhalaya  ayaa ah, kol haddii uu xoolo-jirkii xooggeystay maxaa la gudboon xeer-jirka maanta nool?.  Jawaabtu iyada oo kooban oo aan si sheegteeda laga labo labeyn waxa weeye in la sameeyo qodobadan soo socda:

  • In marka hore samir iyo dulqaad lagu wajaho xaalada.
  • In badan kabihiisa tol adiga oo og in uu kaffanka tolayo.
  • In badan is dhaafi qaniinyadda nacaska sokeeyaha ah.
  • In badan xurmee wixii rag xurmeyn jiray.
  • In badan ka fogow dhaqanka maanta jira.
  • In badan aamus oo yeelo sir qarin, asturaad & qadarin badan.
  • In badan arrimaha miisaanka saar oo addeegso aragtida diirada fogaan aragga oo ku iftiimi danta guud iyo midnimada ummadda.
  • Talada ummadda u xulo hogaamiye kalidii nin ah, balse haw xilan, hanna xulan oo ha u cumaamadin, hoggaamiye cid ku nin ah, hoggaamiye xil ku nin ah iyo hoggaamiye xoolo ku nin ah.

Dhanka kale, akhriste waxa inoo muhiim ah ogaanshaha in noockasta oo xilka qaranka ka mid ah loo siman yahay oo aannu ahayn  hanti qof amma qolo gooni u ah sidda Jagada Madaxwaynaha, Jagada ku Xigeenka Madaxwaynaha,  Shirgudoonka Baarlamaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,  Madaxda Asxaabta Qaranka, Wasiirradda, ku Xigeenadda Wasiirradda, Talieyaasha Ciidamadda Dalka Agaasime guud iyo ilaa Agaasime waaxeedyada wasaaraddaha dalka. Sidoo kale, waxaa  lama huraan ah ogaalka iyo ka war helida halista xoolo-jirka innagu  xooggeystay. Taasi oo hadda si cad uga  muuqata hanaanka iyo dhismaha nidaamka hoggaaminta ummadda “Dhaqan iyo siyaasad ba”, waxayna muddan tahay in loo addeegsato hal ku dheg ku haboon dheefta  hoggaaminta siyaasadda xoolo-jirka Xeerinta iyo xilloodiga ilaabay oo ah “Kaffankaa Tole Kabihii Ha Tolin, Hana Yeelin Siduu Yeelay”. Taasi oo macnaheedu yahay, qof aad og tahay in uu dhibtaada maleegaayo, ha u noqon nasteex ee haddii laga maarmi waayo ugu jawaab celi cashir adag oo maan hadh leh, balse ilaali gobanimada iyo sharafta guud oo si nacasnimo ah, haw la ficil tamin.

Waydiin kale ayaa odhanaysa, waa goorma goorta la siinayo xeer-jirka jawaab celin ku haboon?.  Hadaba aan kuu tilmaamo goorta iyo cidda jawaab  togane  loogu jawaab celinayo, waana kuwan soo socda:

  • Jawaab ficil ah tus cidkasta oo halis ku ah Qiyamkaaga Qoomiyaddaada, Qarankaaga, Masiirkaaga,Dannaha  ummadda iyo Maslaxaddaada gaarka ah.
  • Jawaabta fartaada ku rid oo hoggaamiye kasta oo qaranka u daryeel iyo xannaano liidata.
  • Jawaabtaada kaga hiili hoggaamiyaha dawladda amma xisbi ka dhigta tukaan gaar ah, shaadh isaga le’eg iyo dhito dhigaal u ah reerkiisa oo qormo ugu qafilan ah. ka dibna cidda uu doono ku wareejinaya.
  • Jawaab adag oo ku haboon sii ninka adiga qaliin kuu qoraya oo ha u hiili bilnaantiisa, hana u noqon hayin iyo gurgurshaa an daalin.
  • Jawaabtayda iyo tiinuba ha u dhiganto balaca iyo baaxadda han gaabka iyo xeer-jirka durreynta badan, haddii kale raaf dilaac filo iyo in ay bahashu kula gasho sursuur ooddan iyo rako buur dheer taala.

Waxaan  inta ku kaabayaa oo aan soo xiganayaa murti iyo xigmad odhaaheed, laga hayay Allaah haw naxariistee oday dhaqameedkii, xeer-beegtidii, iyo indheer-garadkii waa Oday Daahir Aadan Bakaal oo igu soo gaadhay gudbin affeedka war tebinta Soomaalida oo u dhignayd sidatan  “Nin Ragii Isaga Ayaa Gartiisa Akhrista, Nacas-na Cafis Ha Waydiisan”. Dulucda iyo dedanta ku daahan qormadan waxa ka jawaabi kara suganta si daarta iyo ujeedka hal sheegga foggaan aragga hufan ku shaqlan ee himilada fog huwan xeeldheere ka fikira unugga maanka. Haddii kale ku hawaawiran, oo ku heeddadaw keymaha kanbalka reerka oo hanfiga kulaylku ha ku heensado.…..La soco qaybo kale oo muhiim ah.

By: Jamal A. Muse

dankaabo@hotmail.co.uk/jamalabdiya@gmail.com/hirdheer@gmail.com

  kuala Lumpur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here