Saxafi Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo soo Saaray Maanso Cusub oo la yidhaa ISU DARAN

0
1083
Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maansadan waxa la yidhaa (ISU DARAN) waxaan sameeyay 25/07/2016 waa maanso ka hadlaysa is badalka dhaqanka,xidhiidhka bulshadu siduu isu rog rogo iyo in aan ilaahay wada hortagayno qiyaamaha iyo qodobo kale waxaan codsanayaa in fahanka wixii adkaada layga soo waydo su,aalo,waxaan ka cudurdaaranayaa qaladaad hadii aad la kulantaan xaga qoraalka iyo xaga hab maanseedka.

 

AKHRIS IYO WADAAG WACAN

 

FADLAN USII GUDBI BULSHADA

 

Lama dadin xaqiiqada

Jamashaduna dookh iyo

Dareenbay ku dhalataa

Ma duugowdo garashadu

aqoonbaa wax daristee

Duryan maaha guushuna

noloshana inbaa daran

In ka daranna waa buux

Isu darana loo daran

laga daran wixii daran

Wax ka daran la sheegyoo

waxa caawa kuu daran

Cid inuu u daranyahay

waxa kuugu daran baad

Ugu dari markhaatiga

Aragtida durkaysee

Daruuraha ku fooftiyo

dalbashada is raacaay

Dalaw hayska ridinoo

Gobanimo dikhawdaye

Dunuubtaay hasii fidin

Damac leexsanoow gubo

Dib u noqo balaayooy

Afartaa dudubiyoo

Inta aan is daba dhigay

Sida dirawal aan wali

Ku daashoonin gaadhiga

Dirqi ugu afuufoo

ereyada diciifka ah

Ku caameeyay dunidoo

Dagamdagam ka siiyee

duqayntiyo ujeedada

Adba waad dareemiye

damqashooy war li,idaa

Miyaan laysu diir nixin

Labadii duruuftiyo

dantu ay midaysee

Isku dabaqad joogee

Jeebka darajadiisiyo

Duunyada sinaan jiray

Mid haduu dallaco oo

Isagoon dadaal badin

Dabayluhu gargaaraan

Qofkuu dooni jirayee

Dorraad uu la noolaa

Dugsigana ka dhigan jiray

Mar haduu dafiray  uu

intuu diido garabkii

Doc faruuro wacadkoo

Bulsho kale ka door bido

Ama duurxul liitiyo

U badheedho digashada

Wax uu doortay weeyoo

Runtii waa dariiq furan

Damiirkiisa yeelkii

Marna deeqda loo siman

Xilligaa is doorshoo

kas gaab doogi maayoo

samaantiina durugtoo

Duugga waa la eegiye

Mar hadii la doorbiday

Dhaqamada danaysiga

Dadnimana sidaa tahay

Daacadnimo dhamaatoo

Wanaaggaa dakaamaye

Doqoniimo ba,anaa…….!!!

Wax ka daran miyaad garan

Markay kuugu darantahay

Oo ad qof kuu daran

Wax u daran taraysoo

Dhanka doonistaadana

Lagaa diido kelidaa

Danaystuhu xaguu qaban

Danyartiyo miskiinkaa

La dulmiyay aduunyada

Xaqoodii la duudsiyay

Waa loo diyaarshee

Ninka dila xaqiiqdee

diintu aanay qabannee

Dafiraaya samahoow

Sharci kuma dabaalee

ilaahaa ku dilayee

Kusoo saari doonaa

Dadkan wada abuurtaye

Is difaac qiyaamaha

 

Axmed Cismaan Batuun…2016…

 

Dhamaaaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here