Waa Taariikh In Hogaanka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Kooxaha & Goboladu Ay Si Xora U Doortaan

0
985

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa guul iyo farxad u ah Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo guud ahaanba bahda kubadda cagta, in xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo maanta yeeshay shirweynahoodii afaraad, ay si xor iyo xalaal ah ku soo doorteen Hogaan cusub kaas oo hogaamin doona afarta sanno ee soo socda.

 

Ugu horeyn waxaa Hambalyeynayaa Guddoomiyaha cusub ee loo doortay inuu hogaamiyo xidhiidhka kubadda cagta Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood, iyo ku-xigeenkiisa Mr. Cabdicasiis Maxamed Cilmi. Waxaan sidoo kale Hambalyeynayaa Mr. Cabdi Ismaaciil oo ahaa murrashaxii ku tartamayey jaggada guddoomiyaha, oo hal cod oo keliya lagaga guuleystay, kaas oo si gobbonimo iyo sharaf leh ugu hambalyeeyay, sheegayna inuu si hagar la’aan ah ula shaqeyn doono hogaanka cusub.

xidh

Sidoo kale waxaan iyagana aan boggaadinayaa hogaankii hore ee xidhiidhka kubadda cagta, oo aan aaminsanahay inay dedaal iyo wax-qabad la yimaadeen muddadii ay xilka hayeen, gartayna inay door-bidaan iyaga oo xor ah inay ka tanaasulaan oo aanay isa soo sharaxin. Waxaan iyagana la hilmaami karin xubnihii 35-ka ahaa ee iyagu ahaa xubnihii kala dooranayey murrashixiintii ku loolamayey hogaanka xidhiidhka, oo muujiyey nidaam iyo kala dambeyn.

xidhii

Ugu dambeyntii, waxa aan doonayaa in aan u mahad-naqo guddidii qaban-qaabada iyo guddidii doorashadda oo dedaal, daacad iyo karti dheeri ah la yimid iyo sidoo kale xubnihii goob-joogayaasha ahaa ee ka socday wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta dalka Jabuuti. Ka Wasaarad ahaana waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno, isla markaana aanu la baadi doono wax kasta oo lagu horumarin doono kubadda cagta Somaliland.

 

 

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ciyaaraha

Guul iyo Gobbonimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here