Saraakiil Katirsan Ciidamada Emaaraadka Oo Caawa Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

0
229

MUQDISHO,(HargeisaPress)-Toogasho Caawa Fiidkii ka dhacay  Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, Ayaa Inta  la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 5 kamid ah saarakiil kasoo jeeda Ciidamada Imaaraatka Carabta eek u sugan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha la toogtay ayaa ahaa tababarayaasha xerada ciidanka Gordon, kaddib markii askari hubaysan oo kamid ah ciidamada somaliya ee  ilaalada xarunta uu rasaas la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiishan

Askariga ayaa kamid ahaa Ciidamada amniga Xerada gacanta ku haya, wuxuu ka mid ahaa Guutada 28aad ee lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidankii u dambeeyay ee lagu soo tababaray Uganda.

Sidoo kale Tirada dhaawaca ee ciidamada Emaraadka ayaa kor u dhaafeysa 10 askari, waxaana ku jira Col. Maxamed Mubaarak oo ah sarkaalka ugu sarreeya Saraakiisha Imaaraadka ee ka howlgalayay xerada Jeneral Gordon ee magaalada muqdisho

Dhanka kale dhacdadan lagu laayay ciidamada Emaraadka ah ayaa imanaysa xili maalinta bari ah lafilayo in uu magaalada muqdisho booqasho ku yimaado madaxwaynaha dalka Masar Cabdicasiis Alsiisi iyadoo ilaa maanta magaalada muqdisho lagu soo daad guraynayay ciidamo ka socda dalka masar oo lagu wado in ay sugaan amaanka madaxwayne Siisi mudada gaaban ee uu safarka ku jooga magaalada muqdisho oo mudooyinkan udanbeeyay uu abnigeedu faraha kasii baxayo

Madaxwaynaha maamulka somaliya xasan sheikh ayaa hada umuuqda mid ku fashilmay hogaaminta maamulka aan wali cagiisa isku taagin eek u tiirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here