Dhammaystirka Heshiiska Somaliland iyo Dawlada Itoobiya Wuxuu Salaan u Noqonayaa Aqoonsiga Dalka

0
164

Hargaysa (Dawan) Tan iyo intii ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay wada gaadheen heshiiska is-afgarad ee iskaashiga dhinaca badda iyo horumarka ah, waxaa soo baxayay doodo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kaasi oo gurxan badan ka dhex dhaliyay dawladaha ugu tunka wayn caalamka.

Markii labada hogaamiye ee Somaliland iyo Itoobiya ay wada saxeexeen hordhaca heshiiska ayaa waxa aad u soo dhaweeyay dhammaan shucuubta Somaliland oo aad ugu oon qaba helista mar uun aqoonsi buuxa oo dalkani hanto, waxaanu heshiisku gil-gilay guud ahaan dalka oo dhan.

Marka laga tago shacabka Somaliland ee sida xamaasadu ku dheehan tahay u soo dhaweeyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa kale oo jira in dawladaha caalamku ay aad u faaqideen hshiiska, kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ahi ay soo jeediyeen in Somaliland la aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Midoobay oo ay kursigeedii hesho.

Waxa kale oo jira goleyaasha Baarlamaanada caalamka qaar ay qadiyada Somaliland iyo madaxbanaanideedu fooda isku galisay kuwaasi oo aad ugu dooday qadiyada madax banaanida Somaliland iyo in ay wakhti xaadirkan tahay mid aan laga maarmi Karin isla markaana aan indhaha laga qarsan Karin qadiyadeeda iyo aqoonsiga ay xaqa u leedahay.

Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa iyagu ahaa kuwo il gaar ah ku haya heshiiska dhinaca horumarka iyo dhaqaalaha ee ay wada gaadheen Soamliland iyo Itoobiy, iyaga oo dad xilal muhiim ah iyo mansab wanaagsan ba ku lihi ay dawladahan ugu baaqayeen in aanay u dhagoolayn karin madax banaanida Somaliland iyo sidii loo aqoonsan lahaa.

Qaarada Afrika mawduucani waxa uu noqoday kii ugu saamaynta badnaa ee ay ka doodaan dawladaha Afrika, kuwaasi oo aad u kala riixanayay Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay ka dhex noqotay goleyaasha ay ku kulmaan hogaamiyayaasha Afrikaanku arrimaha aadka loogu gorfaynayay fadhiyadooda, taasi oo noqonaysa mid kor u qaadaysa jiritaanka iyo qadiyada Somaliland oo ay halkaasi ka furmayaan doodo iska soo hor jeeda oo lagu falanqeeyo madax banaanida Somaliland.

Marka laga soo tago hadal haynta iyo faaqidaada dunida ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa jira cadaawad badan oo lagu ogaaday heshiiska oo ay dawladaha qaar cadaysteen naca ay u hayaan Somaliland iyo Bulshadeeda, waxaanay noqonaysaa in hoosta laga xariiqo dal kasta oo isku dayay inuu hortaag ku sameeyo wixii nacfi u leh dalka.

Heshiikan ayaa noqoday mid doodo awood leh ka dhex abuuray guud ahaan caalamka sida Maraykanka, Ingiriiska, Aasiya iyo Afrika, kuwaasi oo intooda badan aan soo hadal qaadi jirin qadiyada Somaliland, balse hadda aad carabka ugu adkaynaya aqoonsiga Somaliland iyo in la gaadhay xiligeedii.

Dad badan ayaa qaba in saamaynta xoogan ee uu dunida ku yeeshay heshiiska ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya inuu sallaan u yahay in dunidu maanta gar-waaqsato in Somaliland la aqoonsado kadib mar ay Itoobiya ku dhawaaqdo inay Somaliland aqoonsatay, halkaasi ay bilaabmaan dalal badan oo ku xigi doona aqoonsiga Itoobiya kadib.

Wargeyska Dawan 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here