“Sanaag nabad baa ka jirta wel-welna kama qabno inay dhammaanayso”… Muuse Biixi

0
834

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyay in ay gebagebo marayso shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag.

Waxaanu bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad  iyo yididiilo badan, isagoona tilmaamay ergooyin kala duwan oo goboladda dalka ka tegay iyo madax dhaqameedka Sanaag ay hawshaasi ku guddo jiraan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu  maanta  ka jeediyay mashruuc ay shirkadda Dahabshiil dalka ku keenayso gaadiid casri ah.

Waxaanu  bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda.

“Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, war-warna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay.

Kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Geesta kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in lagu hawlan yahay sidii la isku waafajin lahaa qodobo yar yar oo beelihii dagaalamay ka dhex taagan.

Waxaanu yidhi  “Sdii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye, maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto.

Qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.”

Dhinaca kale hadalka madaxweynaha, ayaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa.

Kuwaasoo garab iyo wada-shaqaynba ka helay xukuumadda iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here