Safiirka JSL U Fadhiya Norway Oo Shir La Yeeshay Jaaliyadda Degan Dalkaasi

0
261

Oslo (HP): Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Norway Maxamed Aadan Liilan, ayaa kulan u qabtay Hal-doorka jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku nool.

Kulankani ayaa lagaga wada-hadlay xoojinta Midnimada Jaaliyadda, taageerada Ciidamada Qaranka JSL iyo dadkii ku Hanti-beelay suuqii gubtay ee magaaladda Tog-Wajaale.

Waxaana kulankaasi markii uu soo dhamaaday saxaafadda uga war-bixiyey Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Aadan Liilan, waxaanu tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid aad iyo aad u muhiim ah.

Waxaanu yidhi “Shirkani wuxuu ahaa shir aad iyo aad muhiim u ah oo jaaliyadda Norway ee Somaliland iskugu timid, wuxuu daaranaa in aanu jaaliyadda war-bixin ka siino waddankii hooyo, iyo in aanu xoojino Midnimada Jaaliyadda iyo in aanu ka wada-hadalno in aanu ka qayb-qaadano taageerada Ciidamada JSL iyo taageerada suuqii Wajaale oo hanti badani ay inagaga gubatay.

Wuxuu ahaa shir aad u muhiim ah oo Aniga iyo Jaaliyadda Odayaasheeda iyo Waxgaradkeeda aanu isku waydaarsanay war-bixino badan”.

Safiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu sheegay in waxyaabihii kulankaasi la iskula qaatay ay ka mid ahaayeen in Cusbitaalka degmadda Oog wixii uu qalab u baahan yahay ay u soo diraan.

Waxa kaloo uu safiirku xusay in ay isla qaateen jaaliyadu in ay guddi u saaraan taageerada suuqii Tog-Wajaale ee gubtay.

“Waxaanu isla garanay in aanu ka qayb-qaadano horumarinta waddankeena, difaaca waddankeena iyo in aanu meel uga soo wada jeedsano taageerada Ciidamada Qaranka JSL, waxyaabihii aanu isla qaadanay waxa ka mid ah in Cusbitaalka Oog wixii uu qalab u baahan yahay aanu u dirno.

Waxa kale oo aanu isku raacnay inaanu guddi u saarno taageerada suuqii Wajaale ee gubtay” ayuu yidhi wakiilka JSL u fadhiya Norway.

Geesta kale Ambassador Maxamed Aadan Liilan, wuxuu sheegay in shirkaasi ku soo dhamaaday is-afgarad.

Danjire Maxamed Liibaan, oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland guul baan u rejaynayaa”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here