Wasiirka Deegaanka JSL Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Haayadda UNHCR

0
238

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda haayadda UNHCR.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda Deegaanka ee magaaladda Hargaysa, waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed C/laahi Ducaale.

Kulankaasi ayay ujeeddadiisu ahayd in lagaga wada hadlo sidii wacyigelin dhinaca Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ah loo gaadhsiin lahaa Barakacayaasha iyo qeybaha nugul ee bulshadda ee ay haayadda UNHCR ka shaqayso.

Sidoo kale waxaa kulankaasi la iskula soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ku qotoma sidii labada dhinac ay uga wada-shaqayn lahaayeen mabaadii’da ilaalinta Deegaanka iyo la qabsiga Cimilada.


Sida lagu sheegay war kooban ka soo baxay xafiiska wasaaradda Deegaanka Somaliland kulankaasi ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday is-faham.

Waxaanay labadda dhinac isla qaateen,isla markaana lagu balamay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo haayadda UNHCR.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here