Hargaysa: Guddoomiyaha UCID Oo La Kulmay Wefti Ka Socday Maraykanka

0
495

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday dawladda Maraykanka oo booqasho ku yimid Somaliland.

Weftigan oo uu hogaaminayay sii-hayaha safaarada Maraykanka Mr. Shane Dixon, oo ay wehelinayeen Xoghayaha koobaad ee safaarada Maraykanka u qaabilsan siyaaasada iyo dhaqaalaha Geoffrey Parker.

Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa, ayaa guddoomiyaha UCID iyo weftigan Maraykanka ah waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaaladaha Somaliland, iyo xidhiidhka kala dhexeeya Maraykanka.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbiga UCID waxyaabaha ay labadda dhinaca kulankaasi iskula faaqideen waxaa ka mid ahaa xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya.

Kulankaasi waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ku wehelinayay Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbigaasi Maxamed Bilaal, iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan.

Geesta kale weftigan uu hogaaminayay sii-hayaha safaarada Maraykanka ee…. Shane Dixon, iyo xubnaha kale ee la socday ayaa booqasho gaaban oo hal maalin ah ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here