Hay’adda Dhawrista-Tayadda oo Ka Hadashay Sonkor Dhacday oo Dalka La Keenay

0
867

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda Dhawrista Tayadda badeecadaha qaranka Somaliland ayaa ka hadashay Sonkor dhacday oo la sheegay in shirkad ganacsi ay dhawaan dalka keentay.

Arrinta Sonkortaasi oo maalmahan ba ay bulshadda reer Somaliland si weyn u hadal hayeen, ayaa lagu eedaynayay shirkadda dalka keentay ee Oomaar, in ay badeecad dhacday bulshadda u soo waariday.

Hay’adda Dhawrista Tayadda badeecadaha qaranka Somaliland oo maanta war ka soo saartay Sonkortaasi, ayaa sheegay in ay baadhis ku sameeyeen arrintaasi kadib markii ay soo gaadhay cabashadda bulshadu in ay baadhitaan ku sameeyeen Sonkorta.

Sidaas darteedna in natiijada shaybaadhka qaranka ee hubinta tayadda cadeecadaha in ay haayadda u cadaatay in aanay Sonkortani wax dhibaato ah lahayn.

Warkaasina waxaa lagu yidhi “Haayadda Dhawrista Tayadda badeecadaha qaranku, waxa ay bulshada uga masuul tahay ilaalinta badqabka iyo caafimaadka bulshada Somaliland .

Hay’adda dhawrista tayadda waxa dhawaan soo gaadhay sonkor ay bulshada ka cabatay taas oo bulshada tuhun ka galay sida ay dalka ku soo gadhay.

Sidaa dardeed waxa aanu bulshada la wadagaynaa xogta sonkortas iyo tayadeeda

• Hay’adda dhawrista tayadu waxa ay bulshada u cadaynaysa in ay sonkortu ku timid 50-kg, taaso soo martay dekedda Berbera, isla mrakana lagu sameyay baadhis.

• Xadiga sonkorta shirkadu lasoo degtay waxa uu dhamaa 293 Koontiinet oo ka kooban 158,220 kiish oo 50-kg ah, taarikhda ay sonkortu dalka soo gaashay waa 7/10/2023 Taarikhda ay so baxdayna waa june/2023 iyo july 2023, halka taarikhda ay dhacaysayna ay tahay June/2026.

Hay’adda dhawrista tayaddu iyadoo tix galinaysa cabashadii bulshada waxa ay qaaday talaabooyin kale duwan si waafaqsan xeerka hay’adda dhawrista tayadda.

1. Waxa anu baaadhis (vissual inspection) ku samaynay dhamanaan bakharada ay leedahay shirkadu ee ku yaal Hargeysa iyo Berbera.

2. Waxa aanu ka qaadnay sonkor muunad ah (sample) si loogu soo baadho shaybaadhka hubinta tayada ee Hay’adda dhawrista tayada.

𝗡𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗼𝗼𝘆𝗶𝗸𝗮 𝘂𝗴𝗮 𝘀𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗮𝗹𝗸𝗮:

Hawlgalkan oo muddo qaatay waxa Hay’adda Dhawrista Tayadda uga soo baxay qodobadan hoos ku xusan.

• Sida ku cad natiijada shaybaadhka qaranka ee hubinta tayadda waxa hay’adda u cadaatay in aanay sonkortani wax dhiba aanay lahayn.

• In shirkada Ominco Group ay dib u bacayn ku samaysay sonkortii 50kg ahayd taaso ay ka dhigtay 25kg iyago tixgalinaya awooda bulshada ee ah in aanay bulshadu iibsan karin kiishka 50kg ah.

• Shirkadu waxa ay xaq u ledahay in ay 2% badeecadd kasta oo ay laso degayso ay soo raacsato baco madhan ( empty bags) taso ah hadi ay jeexanto, dilacdo in ay ku badashaan kiishashkaas madhan .

• In taariikhada kiishka sonkorta 25kg ah dib loogu cabeeyey ay khaldan tahay oo ay tahay 1/10/2023 halkii ay ka ahaan lahayd july/2023/ june 2023.

• 𝗚𝗮𝗯𝗮-𝗴𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶.

Hay’adda dhawrista tayaddu waxa ay bulshada somaliand u cadanaysaa in sonkorta macluumaadkeedu kor ku xusan yahay ay tahay sonkor aan wax cilada aan lahayn oo ay bulshadu isticmaali karto.

ALLA MAHADLE.

Agaasimaha guud ee hay’adda Dhawrista Tayada ee JSL.

Xamse Suldaan Aadan Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here