Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Twitter-kiisa Ku Qoray “Al-Xamdulillaah” Markii Xisbigoodu 95% Ku Guulaystay

0
814

HargeisaPress — Raysal Wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa boga uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka ku qoray mahadnaqa Alle (SW), waxaanu warbaahinta dunida gaar ahaan ta reer galbeedka oo hadal ama qoraal uu baahiyo ka sugaysay, uu ku dhaafay kelmadaa miisaanka wayn, ee “Al-Xamdulillaah” taas oo ku noqotay hal xidhaale ay ku jaha wareeraan.

 

sida aan kasoo xiganay Wargeyska Saxafi, Doorashadii wakhtigeeda laga soo hor mariyay ee dalkaas ka qabsoontay maalintii Axadii kowda November, ayaa xisbiga Cadaalada iyo Horumarka ee Dalka Turkigu uu ku guulaystay natiijo xadka dhaaftay, taas oo ka yaabisay waddamada reer galbeedka iyo dalalka loolanku u dhaxeeyo Turkiga oo aad u buun buuninayay mucaaridka calmaaniyadu madax martay ee dalkaas.

 

Sida natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadu tilmaamayso boqolkiiba shan iyo sagaashan ka mid ah codadkii la bixiyay ayuu xisbigu helay, waxaanay taasi u suura gelinaysaa in dawlad uu kali ku yahay uu si deg deg ah u dhiso.

Turkey's Prime Minister Ahmet Davutoglu
Turkey’s Prime Minister Ahmet Davutoglu

Doorashadii hore ee dalkaas ka qabsoontay oo xisbiyada mucaaridku codad badan ka heleen ayaa la laalay oo dib loogu noqday doorasho kale, ka dib markii xisbiyada mucaaridka oo kuraas sadex meelood meel ka yar haystay ay diideen inay dawlad wadaag ah la samaystaan xisbiga cadaalada iyo Horumarka oo shan iyo tobankii sanadood ee uu xukumayay dalkaas horumar iyo barwaaqo gadhsiiyay.

 

Raysal Wasaare Ahmet Davutoglu, ayaa goor danbe khudbad u jeediyay, dad tiro badan oo isugu soo hor ururay, guriga uu degan yahay ee magaalada Konya ee wadnaha Gobolka Anatolia ee uu xisbigani ka soo aasaasmay ku taala.

 

Raysal wasaaraha Turkiga ayaa dadkii uu la hadlayay uga mahad naqay taageerada ay siiyee, waxaanu sheegay in afarta sanadood ee soo socda ay u shaqayn doonaan shacabkooda, siina wadi doonaan qorshihii horumarineed ee ay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay xisbigoodu waday.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here