Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawada Somailand Oo dalka lagu soo Dhaweeyay + SAWIRRO

0
922

Hargeysa, (HargeisaPress) — Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Muuse Ibrahim Yusuf (selef) ayaa manta lagu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Hargaysa ee  Egal International Airport.

agaasima 3

 

Agaasime Muuse oo ah dhalinyaradda Wasaaradda Duulista ee Dadlaalka dheer muujiyey xaga shaqada, oo indhaweydba hawlo shaqo ugu maqnaa Wadanka Ingiriiska, ayaa manta Dalka dib ugu soo laabtay,waxaana Qolka Nasashada ee Madaarka ( VIP) ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud  ee  Wasaaradda Dhalinyaradda Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye, Maamulaha Madaarka Egal Mohamed Yuusuf Ismaaciil, Maamule ku xigeenka 1aad ee madaarka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Duulista iyo Guddoomiyaha  Shirkada Somaliland China hono Group iyo dhalinyaro kale Agaasime Muuse Salaf oo Hadal kooban ka jeediyey halkaa ayaa yidhi

agasi

“ Waxaan safar shaqo ugu maqnaa Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee London, waxaa halkaa si aad ah noogu soo dhaweeyay jahliyadda Reer Somaliland ee Magaaladaasi, oo runtii ah Dad abaabulan oo wadaniyadi ka muuqato oo isku xidhan, waanaan u mahad naqayaa soo dhaweynta ay noo sameeyeen, waxaanan ku hanbalyeeynayaa sida ay isugu xidhanyihiin ee ay uga shaqeeyaan danaha wadankooda,”

agasim 5

“ haddii aan ka warmo hawlihii aan halkaa u tegay, waxay noogu soo dhamaadeen si fiican, waxaan iyana u mahad celinayaa Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Shirkada Somaliland China hono Group Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Madaarka iyo Dhamaan Hawal Wadeenada Madaarka iyo Dhalinyarada kale ee sida qaaliga ah ii soo dhaweysay Ayuu yidhi Muuse Selef.”

aga s

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here