C/raxmaan Awliyo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Laascaanood

0
653

Laascaanood (HP): Waxaa maanta duleedka Galbeed ee magaaladda Laascaanood si weyn loogu soo dhaweeyay Yaasiin C/raxmaan Xasan (Awliyo), oo ka mida qurbe joogta gobolka Sool.


Waxaana soo dhaweeyay C/raxmaan Awliyo, masuuliyiin uu ka mid yahay maayarkii hore ee Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.
Xubno ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood, madax dhaqameed, dhalinyaro iyo dad weyne kale.


Yaasiin C/raxmaan Awliyo, ayaa ka mid ah qurbe joogta u dhashay gobolka Sool ee sida weyn ugaqayb qaata hawlaha horumarinta gobolkaasi.
C/casiis Taarwale, maayarkii hore ee Laascaanood ayaa C/raxmaan Awliyo ku tilmaamay inuu ka mid yahay ragga laf-dhabarta ah ee Nourth America degan.


Kaasoo uu sheegay inuu qayb weyn ka soo qaatay horumarka gobolka iyo wacyigelinta bulshadda.
Geesta kale C/raxmaan Awliyo, ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay.

Daawo: Hadaladii Soo Dhawaynta:

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here