Turkiga oo Ka Hortagay Weeraro Lagu Soo Qaaday Dhaqaalihiisa

0
949
Erdogan oo Hanjaad Culus U Diray Dalka Armenia
Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa khamiistii sheegay in Turkigu uu ka hortagey weeraro lagu soo qaadi lahaa dhaqaalaheeda oo looga gol lahaa in wadanka laga dhigo “jilbaha”.

Erdogan, ayaa sheegay in isbadal la’aanta lacagta Liiraha, taas oo dul heehaabaysay hoos u dhaca rikoodhka bilaha, ay ka dhalatay weerarada.

“Waxaa jira ciyaaro la qorsheynayo iyada oo loo marayo sicirka sarrifka, sicir bararka, saddexagalka dulsaarka. Ciyaartan ayaa leh ujeedo isku mid ah oo ah in dhaqaalaheena lagu rido qalalaase sida hadafkii dhuumaaleysiga ahaa ee ka dambeeyay July 15 (isku daygii afgambi),” ayuu Erdogan u sheegay xubnaha xisbigiisa talada haya ee Ak Party.

Waxaanu Erdogan, ayaa intaasi ku daray in dowladdiisu ay qaadi doonto tallaabooyin cusub oo ay wax kaga qabanayso xasaradaha dhaqaale, si loo yareeyo saameynta xasaradaha dhaqaale.

Erdogan iyo dowladiisa, waxay inta badan ku eedeeyaan dhaqaale xumida wadanka weeraradii ay ku sheegeen inay si caalami ah u maleegeen quwado shisheeye ama kooxo argagixiso u aragta Ankara.

LEAVE A REPLY