Dadkii Tacadiyadda Loogu Gaystay Jeel-ogaadeen oo Dhaqaalihii Ugu Horeeyay Loogu Deeqay

0
1481

Jigjiga (Hargeisa Press) – Waxaa caawa magaaladda Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida lagu qabtay munaasibad dhaqaalihii ugu horeeyay loogu deeqayay dadkii tacadiyadda loogu gaystay Jeel-ogaadeen, xilligii uu deegaankaas xukumayay Cabdi Iley.

Munaasabaddan oo ka dhacday barxadda madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ee magaaladda Jigjiga, ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta sare ee dowlad deegaanka Soomaalida oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar, Madaxda Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, masuuliyiinta Ururka ONLF, odeyaasha, ganacsatada iyo marti-sharaf kale.

Waxaana caawa oo kali ah loogu deeqay dhibbenayaashii uu tacaddigu ka soo gaadhay Jeel-ogaadeen  75 Milyan oo Birr oo lacagta dalka Itoobiya ah.

Dhiire Caafi oo ka mid ahaa maxaabiistii Jeel-ogaadeen, madashanna ka hadlay, ayaa sheegay in tacaddiyadii ka dhacay jeelka oo ay geysanayeen shaqsiyaad Soomaali ah aanu marnaba ku arag goob kale.

“Afar (4) qalliin oo caafimaad ah baan galay kaddib markii aan jeelka kasoo baxay, waxa aana ka mid ahaa qiyaas ahaan dadkii ugu dhibaato yaraa tacaddigii ka dhacay Jeel-ogaadeen”ayuu yidhi Dhiire Caafi.

Madaxweynaha Dowlad Deegaaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay kaalinta ay ka dowlad ahaan ka qaateen Caawinta dadkii ay dhibtu soo gaadhay iyo ujeedka laga leeyahay.

“In aan baranno dhaqanka is-caawinta binu’aadamtinnimo weeyaan, ujeeddada laga leeyahay in aynnu kulammo noocan ahi qabannona macnaheedu ma aha in ayna dowladdu tabar ay ku caawiso haynnin dadkii tacaddiyadu ay soo gaadhen; mar walibana kaalinta ugu weyn dowladda ayaa ka qaadata dhinaca tabarrucaadda iyo caawintaba”. ayuu yidhi Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweyne Cagjar, ayaa ugu baaqay ururrada iyo shakhsiyaadka siyaasadda ay isku hayaan in ay u midoobaan danta guud ee shacabka, iyada oo la kala afkaar iyo siyaasadba duwan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar oo ku hadlayay afka xukuumadda Deegaanka Soomaalida, ayaa ugu yaboohay 50 Milyan oo Birr dadka ay tacaddiyadu soo gaadheen.

Muddo ay caddaalad sugahayeen dhibbenayaashii tacaddiyaddu soo gaadheen kaddib, waxaa baryahan socda dadaallo ay xukuumadda Dowlad Deegaanku waddo oo xaq iyo xuquuqba ay ku helayaan dulmaneyaashaasi, taasi oo yadidiilo iyo rajo weyn ku abuuraysa dhibbenayaashan maskax ahaan iyo nolol ahaamba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here