Raila Odinga iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Booqasho Ku Imanaya Somaliland

1
3961

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay booqasho ku yimaadaan Somaliland, sida ay Warbaahinta Hargeisapress.com u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi.

Raila Odinga ayaa wada olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada Somaliland.

Raila Odinga ayaa aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madaxbanaan maadaama uu ku doodayo inay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimuqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor.

Raila wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta sarsare oo dowladda Kenya si joogto ah ugala hadlay dowladooda inay aqoonsadaan Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay gacan ka geysaneyso xasilinta gobolka geeska Africa.

Todobaad kahor ayaa magaalada Hargeysa waxaa booqday xildhibaano, siyaasiyiin, maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Raila Odinga, kuwaasi oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda.

Waftigaasi ayaa waxay Madaxwaynaha  Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhowr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.

Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan.

Sidoo kale, waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here