Mareykanka oo Soo Dhaweeyay Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

0
2747

Washigton (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay soo dhawaysay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Mareykanka ayaa arrin wayn ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.”

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka cad ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin wayn in wakhtigan la arko Taiwan oo sii xoojinaysa xidhiidhkeeda bariga Afrika xilli baahi wayn loo qabay.

“Waa guul laga gaadhay xidhiidh diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xidhiidh la yeelatay Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press.

Heshiiska Taiwan iyo Somaliland oo lagu dhawaaqay 1-dii bishan July, ayaa dhigaya in wakiillo ay isu soo kala magacaabaan labada dhinac oo Hargeysa iyo Taipei kala fadhiisan doona.

Marka xafiisyada la furo, labada dhinac waxay ka wada shaqeyndoonaan arrimo ay ka mid yihiin Beeraha, macdan qodidda, kalluumeysiga, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta Macluumaadka Teknolojiyadda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Joseph Wu.

Wuxuu intaa ku daray in “labada dowladood ay ku heshiiyeen billaabidda xidhiidh ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadaagidda qiyamka ay ka mideysan yihiin ee ah xuriyadda, dimuquraadiyadda, cadaaladda iyo sharciga iyo kala dambeynta”.

“Taiwan waxaannu iskaashi wayn kala leenahay caafimaadka, waxbarashada, caawimada farsamo iyo waxyaabo kale oo badan.” ayaa lagu yidhi qoraalka Golaha Amniga Mareykanka.

In kasta oo dad badan oo siyaasadda dejiya Mareykanka ay si aad ah isha ugu hayaan wararka ku saabsan xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, dhawaaqyada ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ayaa muujinaya danaha Aqalka Cad ee Bariga Afrika iyo Somaliland gaar ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here