Qurbe Joogta Somaliland Ee Ingiriiska Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Mulkiilaha SUMMER Time Group + SAWIRRO

0
1819

HARGEISA, (HargeisaPress) — Qurbe joogta reer Somaliland ee cariga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay ganacsadaha dhalinyarada ah ee Siciid Sheekh Cumar Yuusuf oo ah Mulkiilaha Summertime Group.

3033378b-3648-46aa-815a-12ac6cfb5c29

Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo isugu jirtay casho sharaf iyo gudoonsiinta shahaado sharaftaa oo caawa  lagu qabtay Summertime Green Plaza ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Technology ga Cali Xaamud Jibriil, badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), La taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha saxaafada Khadar Ali Gaas, Wasiirkii hore ee wasaarada Kaluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Taliyihii horee ee ciidamada ilaalada madaxtooyada Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise, Gudoomiyaha iyo xubno ka mid ah ururka Table 7 ee ka dhisan magaalada London ee wadanka Ingiriiska, ganacsato iyo marti sharaf kale.

 

 

9a1a6d41-3291-4a2c-844b-9bf64c8a5f31

 

Wasiirkii hore ee wasaarada Kaluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo furitaankii xafaladaa hadalo kooban ka jeediyay ayaa ku sifeeyay ganacsadaha dhalinyarada ah ee Siciid Sheekh Cumar Yuusuf oo ah Mulkiilaha Summertime Restaurant iyo Summertime Group mid ku dayasho mudan isla markaana ay ahay inay ku daydaan dhalinyarada kale ee wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ku nooli.

siciid sh

 

Cabdilaahi Geeljire oo kamid ah macaamiisha aadka ugu xidhan Summertime Restaurant ayaa waxa kale oo uu halkaa ka sheegay in ganacsade Siciid Sheekh Cumar uu bulshada reer Somaliland gaar ahaan qurbe joogta uu dib ugu celiyo faaiidooyinka uu ka helo ganacsigiisa isagoo ku tilmaamay shakhsiga kaliya ee ay ku soo hirtaan qurbe joogta reer Somaliland.

siciid sheikh

 

Xamse Ducaale oo kamid ah madaxda ururka qurbejoogta reer London ee Table 7 Group ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in Mulkiilaha Summertime Restaurant Siciid Sheekh Cumar shahaadadan la gudoonsiiyo isagoo sheegay inay tahay markii labaad ee shahaadadan ay bixiyaan iyadoo sanadkii hore shahaadadan la gudoonsiiyay Wariyada caanka ah eek a hadasha TV ga Horn Cable, Nimco Maxamed Cumar (Nimco Samriye).

0ce65e78-9d07-4af2-836e-9eb4b14e0a5a

Xamse Ducaale waxa kale oo uu sheegay in boqol iyo dheeraad oo kamid ah qurbejoogta Table 7 group ay cod gacan taag ah u qaadeen sadexda Hotel ee Somaliland ugu waawayn oo kala ah Maansoor Hotel, Ambassador Hotel iyo Summertime Restaurant halkaas oo Summertime Restaurant ay gacanta u taageen dhamaan tiradii boqol iyo dheeradka ahayd ee madasha fadhiday marka laga reebo sadex qof oo iyagu u codeeyay labadad Hotel ee kale.

SHAHADO SHARAF

 

Gudoomiyaha Ururka Table 7 Group Mr. Kenadiid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday kaalinta uu Siciid Sheekh Cumar kaga jiro ganacsatada Somaliland iyo horumarka dhalinyarada wadanka, isagoo sheegay in Siciid Sheekh Cumar uu ganacsigiisa balaadhan ku sameeyay Somaliland isagoon tahriibin qurbahana tagin, waxaanu usoo Jeediyay Dhalinyarada Somaliland inay ku daydaan Siciid oo ay wadankoda aaminan.

45d300a0-64f1-4402-9578-1d53f5789407

 

Masuuliyiinta kale ee halkaasi ka hadashay wax aka mid ahaa badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), La taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha saxaafada Khadar Ali Gaas, Taliyihii horee ee ciidamada ilaalada madaxtooyada Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise, iyo Cabdi Cali oo kamid ah Qurbeoogta reer Somaliland.

siciid sheikh

 

Gabogabadii xafladaasi waxa iyaguna hadalo kooban ka soo jeediyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Technology ga Cali Xaamud Jibriil iyagoo si wada jir ahna shahaado sharaftii ugu gudoonsiiyay ganacsade Siciid Sheekh Cumar.

53f55447-f9e4-4d85-9dba-bd97192ac4cf

 

Ganacsadahan da’ada Yar ee reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxay da’diisu tahay 37-jir waxaanu leeyahay Hudheelka loogu jecel-yahay Somaliland ee Summer-Time Restaurant, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii imikana uu korey ganacsigiisu,waxa uu Sameeyey Hoolka Casriya oo lagu qabto Xafladaha oo la yidhaahdo Summertime Green Plaza , Sidoo kale waxa uu curiyay Huteel cusub oo ah hurdo loo sameeyey habka guryo goglan oo isku qoofallan (Apartments), waxa imika socda Huteel Shan Dabaqa oo sanadka 2016-ka la furi doono.

sic sheish

 

Bishii Todobaad ee sanadkan aynu ku jirno ayaa Ganacsade Siciid Sheekh Cumar  ayaa waxa uu Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga-qeyb galay Shirka caalamiga ah ee Curiyayaasha aduunka (Global Entrepreneurship Summit (GES) oo sanadkiiba mar la qabto, Shirkaas oo uu furay madaxwaynaha wadanka Maraykanka Mr Barack Obama.

 

 

By Abdirisak Itaqile

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here