Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo $50,000 ugu tabarucday Xabaalaha Waqooyiga Hargeysa

0
1032

HARGEISA, (HargeisaPress) — Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ugu tabarucday Xabaalaha Waqooyiga ee Hargeysa lacag dhan $50,000 oo lacagtan oo ay shirkaddu ku wareejisay guddida Waqooyiga Hargeysa, munaasibadda wareejinta deeqdan ayaa ka dhacday xarunta shirkadda ee magaaladda Hargeysa.

IMG_6771

 

Guddida Waqooyiga Hargeysa oo uu gudoomiye u yahay Sheekh Aadan Maxamud Xiiray (Aadan Siiro) oo maamulaayey xabaalaha waqooyiga Hargeysa ayaa ka dib markii ay buuxsamee waxaa loo baahday dhul weyn oo qaadi kara 16,000 xabaalahood, waxaanay guddidu baaq u direen bulshadda, dawladda iyo ganacsatadda Somaliland inay ka qayb qaataan qaadhaan loo uruurinaayo dhul lagu aaso dadka dhinta ee ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

3-1

 

Madaxa Xidhiidhka Bulshadda ee Shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ugu horayn ka hadlay munaasibadda lacagtan lagu wareejinaayey Guddidan ayaa ka waramay doorka shirkadda Telesom ka qaadato arimaha samafalka, waxaanu si gaar ah hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay in  shirkaddu ka qayb qaadato  lacagta loogu yaboohay dhul weyn oo loo iibinaayo marxuumiinta dhinta.

 

“Waxaanu shirkad ahaan go’aansanay inaanu ka qayb qaadano waliba si weyn uga qayb qaadano, maadaama ay muhiimad weyn loo qabo oo runtii ay tahay waxyaabaha ay shirkaddu u jirto oo ah in ummadda kolba dhinac laga eego baahidooda. Xabaabuluhu waa meel qofka Islaamka lagu asturaayo waana hoygeena rasmiga ah ee aakhrio. Muhiimadda ay leeyihiin darteed ayaanu shirkadda ahaan isla garanay in aanu ka qayb qaadano”.

 

Maamulaha Qaybta Horumarinta Arimaha bulshadda ee shirkadda TELESOM Md. Cabdiwahaab Maax ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qiimaha ay leedahay in bulshadda lagala qayb qaato sadaqooyinka Jaariga ah waxaanu ku dhawaaqay Lacagta ay shirkadda Telesom ugu tababarucday Xabaalaha Waqooyiga Hargeysa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,

IMG_6774

“Waxaanu idiinku yeedhnay in aanu ka  qayb qaadano dhismaha xabaalahaas xoolaha lagu iibinaayo intii awoodayada ah, in waxaas in ka badan inaanu qabano ayey ahayd haddana sidaa uu sheekhu sheegay ilaa imika cid xoolo in aanu bixinay in badan bixisay ma jirto. Xoolahaa aanu bixinayaa waa waajib nasaaran wax aanu maanta bilownayna maaha waa wax aanu horeba u wadnay , waajibka dadka muslimiinta ee baahan ee umadda naga saran kuwa caafimaadka qaba, kuwa xanuunsanaya iyo kuwa geeriyoodayba intaba waa waxaan gudanayno waa waxa aanu markastaba u heelannahay . Waxaan maanta idiinku yaboohaynaa oo aanu ku darsanaynaa xoolo dhan $50,000 oo dollar oo aanu ugu talo-galnay inaanu ku tabarucno xabaalaha”.

 

Xubno ku hadlay Afka Guddida Xabaalaha Waqooyiga Hargeysa ayaa shirkadda TELESOM uga mahadnaqay kaalinta ay bulshadda ugu jirto iyo sida ay ugala qayb qaadato arimaha horumarinta bulshadda iyo ka qayb qaadashadda arimaha akhriyga ah ee buslahdda uga baahato. Guddida ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay tahay shirkaddii ama ciddii ugu horaysay ee lacag dhan $50,000 ugu deeqday xabaalaha waqooyiga Hargeysa loo iibinaayo, xabaalahan oo la filaayo in lagu aasi doono ilaa 16,000 oo Muslimiin ah kuwaasi oo ay ka buuxsamee xabaalihii hore ee xeedho ee Sheekh Aadan Siiro maamuli jiray Ilaahay Sheekha iyo Cidii kala qayb qaadatay ha ka abaal-mariyee.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here